Thursday 12 January 2012

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Djibouti

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta kulan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Dalka Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte.
 
Kulanka labada Ra'iisul Wasaare oo waqti dheer qaatay ayaa waxey ka  wada hadleen xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, arrimaha amniga iyo sidii dalka Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Djibouti sida deeran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Djibouti iyo sida shacabka iyo dowladda Djibouti ay weligoodba u garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey dowladda Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen dalka si loo xasiliyo. Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa waxuu Ra'iisul Wasaare Dileyte ka siiyey warbixin kooban horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda Abdiweli ku tallaabsatay 5tii bilood ee la soo dhaafay sida amniga, xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Waxuu kaloo ku daray in dastuurka dhameystirkiisa uu meel fiican marayo isla markaana la rajeynayo in dib-u-habeynta baarlamaanka la dhameystiri doono si dalka looga saaro xilliga kala guurka ah oo loo helo dowlad rasmi ah.
 
Ra'iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayaa sheegay inay dowladda iyo shacabka Djibouti ka go'antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxuuna sheegay inuu kala hadlay arrimaha Soomaaliya dowlado fara badan kana codsaday in Soomaaliya wax laga qabto. Ra'iisul Wasaare Dileyte ayaa sheegay in uu dhowaan dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay arrimaha Soomaaliya kaalin fir-fircoon uga qaadan laheyd.
 
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti si labada dal ay uga wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha Geeska Afrika.
--
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...