Monday 2 January 2012

Safiirka Itoobiya ee Masar "Ujeedkeenu waa in aan Imaarad Islaami ah ka dhalan bariga Afrika".


Written by Administrator on .
somalimemo.netDowlada Itoobiya ayaa shaacisay in hadafka ay Soomaaliya ugusoo duushay uu yahay sidii geeska Afrika looga ilaalin lahaa dhismaha Imaarad Islaami ah.

Safiirkii Dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Alqaahira ee wadanka Masar Maxamuud Dirir horayna u ahaa wasiirka Bii'ada Itoobiya ayaa sir badan kashifay.

Maxamuud Dirir oo ka qeyb qaadanayay Barnaajimka Maa Waraa'al Khabar oo xalay  ka baxay Telefeshinka Aljazeera ayaa si cad u sheegay in hadafka ay Itoobiya ka leedahay duulaanka Soomaaliya.

Barnaamijka waxaa lagu marti qaaday Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah, Cadiyah Al Ciisaawi madaxa Jariiradda Al Ahraam ahna Mutakhasis arrimaha qaaradda Afrika iyo Maxamuud Dirir oo Soomaali Itoobiyaan ah.

Taqriir ku aadan faragelinta Itoobiya ee Somaaliya kadib waxaa su'aasha ugu horeysa laweydiiyay Ninka Kooxda Shariif ugu magacaaban wasiirka G/dhigga wuxuuna ku hadlay wixii uu maalmahan warbaahinta cadawga ka sheegayay.

Wasiirka Gaashaandhigga warkiisa wax nuxur ah oo lasoo qaadan karo malahayn marka laga reebo hadalada ay ku caan bexeen hogaamiyaasha DKMG ah sida "Shabaab waa argagaxiso,Dimuquraadiyad ayaan dalka ku maamuleynaa,Itoobiya anagaa u yeeranay,Shabaab nabad marabaan" iyo hadallo waqti lumisn uun ahaa.

Alciisaawi ayaa arrimo badan taabtay isagoo Sedax arrimood soo daliishaday kuwaasi oo haddii ay dhacdo looga adkaan karo xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana aan dhici doonin.

1-wuxuu sheegay in waxa xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku dagaalamayaan ay tahay Mabda' diini ah asalka dagaalkooduna yahay sidii ay gaalada uga difaaci lahaayeen dhulka Islaamka Soomaaliya sharciga Allana shacabka ugu dhaqi lahaayeen.

2-Qabaa'ilada Soomaalida oo ku biiray xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana wiilashooda iyo wixii dhaqaale ah oo ay hayaan ku wareejiyay taasi oo ka dhigtay xarakada awood sal adag.

3- waxaa kale oo uu sheegay in Tandiimka Alqaacidda ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka taageeraan dhanka Tababarka iyo Lojistakada islamarkaana ay hubka usoo marsiiyaan dhanka badda waa sida uu hadlaka u dhigay.

Safriika Itoobiya ee Masar "Ujeedkeenu waa in aan Imaarad Islaami ah ka dhalan bariga Afrika".


Ninka Murtadka ah ee Itoobiya ugu magacaaban Safiirka Masar Maxamuud Dirir horay u ahaa wasiirkii Bii'ada iyo Duurjoogta Itoobiya ayaa cadeeyay mowqifka dhabta ah ee Itoobiya.

Wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya ee B/weyne galay ujeedkoodu yahay in ay ka hortagaan Imaarad Islaami ah oo ay shabaabul Mujaahidiin ka taagto Geeska Afrika.

Itoobiya waxay weligeed ku dadaalaysay sidii ay Geeska Afrika uga ilaalin laheyd soo bixidda awood islaami ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...