Garbahaarey (RBC) Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii kumeel-gaarka ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaareyee gobolka Gedo isagoo markii ugu horreysay ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo arrimaha maamul u sameyna Jubbooyinka.
Col. Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu isagu shakhsiyan ka walaacsan yahay dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ee ku wajahan xaalada gobollada Jubbooyinka, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada Kenya “ay qabsadeen” Jubbooyinka.
“Annugu Kenya waxaan u heystaa inay qabsadeen Kismaayo, marka aad eegto siday ula dhaqmayaan dawlada federaalka iyo siday u hortaagan yihiin in maamul dadku raali ka yihiin laga sameeyo deegaanka.” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.
Col. Barre Hiiraale ayaa intaasi raaciyey in isaga uusan dan u arkin in kulamada Nairobi ka socda maamul loogu soo dhiso gobollada Jubbooyinka oo uu ku jiro gobolka Gedo.
“Dadka reer Gedo iyo maamulkooda uma cuntamayaan waxaysan raali ka ahayn in lagu qasbo.” ayuu yiri Col. Hiiraale.
Dhanka kale, wuxuu Col. Barre Hiiraale sheegay inuu dhowaan mar uu tagay Muqdisho uu u soo jeediyey dawlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho inay iyaga yeeshaan hogaaminta geedi socodka maamul u dhisida gobollada Jubbooyinka.
Waa markii ugu horreysay oo Col. Barre Hiiraale uu ka hadlo arrimaha deegaanada Jubbooyinka iyo magaalada Kismaayo oo labo sano ka hor ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada ay ka saareen ururka Al Shabaab.
Col. Barre ayaa isaga laftiisa madax ka ahaa maamulkii Dooxada Jubba ee ka talinayey Jubbooyinka sanadihii 2000 illaa 2006 ka hor intii aysan dagaal uga saarin ururkii Maxkamadaha Islaamiga.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment