Is bedelo ayaa ka jira magaalada, waxaana ifafaalaha ii muuqday ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa ganacsiga oo soo kobcayay, waxay magaalada ila ekeyd sida qof muddo hurdayay oo hurdada ka soo toosay, marka loo eego saan-qaadka magaalada ay ku bilaabatay tan iyo wixii ka dambeeyay 9-kii December markii Al-Shabaab laga saaray. Magaalada Jowhar waa magaalo ku caan ah wax soo saarka beeraha, dhaqashada xoolaha iyo ganacsiga, inkastoo Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe ee dowladda Soomaaliya oo talada si tartiib ula wareegayo uu sheegayo in magaalada afar sano oo dib u dhac ay gashay tan iyo inti ay heysteen Al-Shabaab. Safarkii aan ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidii aan horeba u filayay wadada waxay ahayd mid bur bur xoog leh uu ka muuqdo gaadiidkuna ay marayeen wadooyinka carriga kuwaasoo oo ka wanaagsanaa Laamiga. Burburka wadada ayaa waxaad ka nasanaysaa oo kaliya inta baabuurka aad saaran tahay uu dhex marayo degmada Balcad oo dhowaan dayactir lagu sameeyay wadada dhex marta. Magaalada Jowhar oo marka aad gudaha u galaysid ay indhahaagu qaban jireen beero baxaya ayaan ii muuqan beero niyadaada ay ku farxi karaan oo beeralaydu soo goosanayso, markii aan weydiiyay shacabka magaalada waxa ay ii sheegeen in hoos u dhac uu ka jiro dalagyada beeraha maadaama sicirka loogaga iibsado miraha ay beeralaydu soo saaraan uu ka yar yahay qarashka ugaga baxa tacabka beerta. Mid ka mid ah beeralayda bariiska ayaa ii sheegay in bariiskii beerta ugaga baxay saddex xilli kahor uu weli baqaar ugu jiro maadaama qiimaha uu suuqa ka joogo bariiska uu yahay mid aad raqiis u ah marka la barbardhigo qarashkii beerta galay. Jowhar ayaa ah meesha kaliya ee laga tacbo bariiska ah, marka loo eego gobolada dalka, waxaana mar aan booqday warshada bariiska finjisha ku arkay bariis badan oo loorar ay ku jireen, oo howlo lagu fanjilayay ku socday. Jawiga guud ee magaalada Jowhar ayaa ahaa mid degen oo dadku aysan ka muuqan wax dhibaato ah qof walbana uu ku mashquulsanaa howlihiisa, waxaana magaalada dib ugu soo laabtay dad badan oo ka maqnaa kuwaas oo isugu jira qaar magaalada Muqdisho ku noolaa iyo qaar kalaba. Magaalada ayaa waxaa ay indhahaagu qabanayaan arday badan oo iskuulada u dareeraysa subaxnimadii, duhurkiina ka soo rawaxaysa. Hase ahaatee waxaan ka waayay jaamacad wax lagu barto oo Jowhar ka shaqeysa. Sarkaal ka mid ah mas'uuliyinta waxbarashada magaalada ayaa ii sheegay in isku day labo sano ka hor la bilaabay oo lagu furay jaamacada Jowhar gaar ahaan qeybta kalkaaliyaasha uu hakad galay kadib markii la waayay macalimiin waxbarta ardayda. Xoolo dhaqatada ayaa dhibaato waxa ay ku haysaa sidii ay xoolahooda gaar ahaan lo'da oo aan biyo la'aan u adkeysan karin inay biyo u helaan. Waxaana aad u mashquulsan wadooyinka xilliyada duhurnimadii markaa oo aad wadada ku arkeysid xoolo u badan lo' oo u sii socda wabiga gaar ahaan xiintoyda agagaarkeeda si ay biyo uga cabaan. Xoolo dhaqatada ayaa waxaa ka guray warihii ay biyaha ka siin jireen sidoo kale waxaa socon waayay kanaaladii gaar ahaan Cali Shoobare (Kalundi) iyo Cali Waraabey (Barwaaqo) oo beeralaydu ay ka waraabin jireen xoolahooda maadaama wabiga biyahiisa ay hoos u dhaceen isla markaana kanaaladaas ay u baahan yihiin in la dayactiro ama dhiiqada laga saaro. Waxaan booqday idaacada Jowhar oo aan beri ka shaqeyn jiray sida ay uga soo shaqeeyeen wariyeyaal badan oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaa iigaga muuqday burbur xoog leh oo idaacada soo gaaray. Waxaa laga qaatay dhamaan qalabkii oo idil mana jirin wax loo reebay oo aan ka ahayn dhisme burbursan. Hase ahaatee mid ka mid ah aasaasayaashii idaacada Jowhar oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in toddobaad kadib idaacada dib u bilaabayso howlaheedii isla markaana ay haysato qalab maqalka idaacada gaarsiin kara deegaano ka fog fog xarunta gobolka Sh/dhexe. Ugu dambeyn Magaalada ayaa igula muuqatay inay dhinacyo badan ka hormartay, dadkuna ay qabaan rajooyin badan oo la xiriira xaga nolosha iyo ganacsiga. By C/casiis Golf Senior Editor Photo By Abakar Maxamed Muxidiin (Shaxam Laxam)
|
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Friday, 8 February 2013
Magaalada Jowhar Shalay iyo Maanta (Warbixin iyo Sawirro)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment