Thursday, 7 February 2013

Siyaasiyiin lagu eedeeyey iney Nairobi ka wadaan shirqoolo ka dhan ah Xukuumadda Somalia


Kulan ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ayna ka soo qayb galeen Siyaasiyiin, waxgarad,aqoonyahanno iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaankii hore ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay isku dayo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa gurracan ee uu wado Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta ayaa qudbadahooda inta badan waxa ay ku sheegeen in wax ay ku sheegeen Shirqoollo Maleegan ay abaabulayaan koox uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasi oo kala ah.
1: Shariif Xasan Sheekh Aadan
2: Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe
3: Max’ed Ibraahim Xaabsade
4: Aadan Saransoor
5: Cali Khaliif Galeyr
6:Prof: Samatar
7: Gaandi
8: Cali Max’ed Geedi
9: Axmed Max’ed Islaam Madoobe
10: Cumar cabdi rashiid.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed Cabdi Risaaq Cali Aadan ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ay ka codsadeen saxiiixayaashii Road Map ka labo ka mid ah oo kala ah shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Faroole ay caqabad ku yihiin geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyagoo sheegay in howshaan uu la wado Augustine Mahiga .
Xoghayaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Xaawo cabdi Cali oo iyana Mahadasha ka hadashay ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin isku dayadaasi Gurracan iyadoo beesha caalamkana ka codsatay in shariif Xasan lagu daro qaswadeyaasha (Spoilers) dowladda soomaaliayana ka codsatay in Baarlamaanka xasaaanaddiisa laga qaado.

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...