Muqdisho (RBC) Taliyaha ciidanka Burundi ee ku sugan Soomaaliya Col. Kobako ayaa ka hadlay wararkasheegaya in khilaaf u dhexeeya ciidamada AMISOM (Uganda iyo Burundi), kuwa Ethiopia iyo Kenya darteed uu hakad u galaydagaaladii ay ku qaadayeen deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab.
Col. Kobako oo shir jaraa’id oo wariyaashu su’aalo ku weydiiyeen ku qabtay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inuu isaguba maqlay war suuqeed la xiriira arrinta khilaafka, loona baahan yahay in si heer sare ah loo wada xaliyo.
“Waan maqleynaa warar suuqeed sheegaya arinta khilaafka balse waa hawl u taalla madaxda sare ee AMISOM, waana in iyag ay xaliyaan.” ayuu ku jawaabay taliyahaasi oo la weydiiyey khilaafka hakiyey duulaankooda ka dhanka ah Al Shabaab.
Hawlgalka Shabeelaha Hoose
Taliyaha ciidanka Burunfi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa dhanka kale sheegay in ay u diyaarsan yihiin inay u dhaqaaqaan degmmada Baraawe ee gobolka ka tirsan taasoo fariisin u ah ururka Al Shabaab, wuxuuna diiday inuu waqti qeexan sheego.
“Markasta oo amar nala soo siiyo waan dhaqaaqeynaa.” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Baraawe ay ka tirsan tahay wax ay AMISOM u taqaano “sector 1″ oo ah deegaanada Labada Shabeelle iyo Banaadir oo hoos yimaada ciidamada Uganda iyo Burundi, halka qeybaha kalana loo dhiibay ciidamada Jabuuti, kuwa Ethiopia iyo kuwa Kenya.
Taliyaha ciidanka Burundi ayaa mar la weydiiyey tirada ciidamada ay heystaan gaar ahaan kuwa Burundi ayaa wuxuu sheegay inay heystaan illaa saddex bataliyan oo midiiba u dhiganta 850 askari.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadiisa ay si fiican ula qabsadeen dadweynaha ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin sida magaalooyinka Marka iyo Afgooye oo ciidamada Burundi ay ka hawlgalaan, wuxuuna sheegay inaysan wax dhibaato ah ku qabin bulshada deegaanka.
“Ma fududa in dad cusub oo deegaanka ku aragtay aad soo dhoweyso laakiin ciidamadeena waxay la kulmeen soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed, waayo waxaan halkan u joognaa inaan caawino shacabka Soomaaliya oo ka mid ah shucuubta qaaradda Afrika.” ayuusii raaciyey.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment