One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Saturday 6 July 2013
Axmed Madoobe “inaga Puntland ayaan ka baranaynaa maamul wanaagga iyo dhismaha maamul goboleed” [Dhagayso+Sawirro]
Gaalkacyo[RBC Radio] Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo maantey soo garey magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu si weyn ugu ammaanay hormarka ay samaynayso Puntland.
Madaxweynaha ayaa marku soo garey Gaalkacyo waxaa si diran ugu soo dhaweyey masuuliyiin ka tirsan Puntland,maamulka gobolka,kan degmada iyo shacabka gobolka oo isugu soo baxey jidadka dheerer ee magaaladda.
Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo boqdey dhaawacyada cisbitaalka guud ee gobolka Mudug ee Kismaayo laga keenay ayaa ammaan kala dul dhacay hormarka amni iyo kan siyaasadeed ee Puntland ka jira tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1998dii.
“Puntland waxay hooyo u tahay dhamanba maamul kasta oo dalka ka dhisma, inaga Puntland ayaan ka baranaynaa maamul wanaagga iyo dhismaha maamul goboleed eegaya danta midnimada ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ama Halkaan k dhageyso codka madaxweyne Axmad Madoobe Galkacyo
Madaxweyna ayaa mid mid u booqdey dhamanba dhaawacyada isagona ka warestey sida ay wax uqabaan waxana xaaladdoda uga warbixiyey takhaatirsa gacanka ku heysey dhaawacyada,madaxweyna inta uu ku sugna cisbitaalka guud waxaa uu balanqad u fidiyey qeybo ka mid ah dhaawacyada oo u bahdey dawooyin dalka dibadisa laga helo isagoona si cadd ugu sheegey inay si deg deg ah ugu heli doonan.
Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa iyaguna dhankooda ku soo dhaweeyay Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaatinkiisa Gaalkacyo.
M/weyne Axmed Madoobe oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaandhigga DKMG ahayd ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, Shiikh Aw Libaax, Jen Darwiish ayaa u sii gudbey magaaladda Garoowe, halkaasoo uu oga sii gudbi doono magaalada Qardho oo uu ka dhici doono aaska boqor C/laahi boqor Muuse.
Waa safarkii ugu horeyey ee uu Puntland kuyimaado madaxweynaha Jubbaland Puntland,waxana ay arrimo dhoor lugu wada inay isla soo qadan madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
No comments:
Post a Comment