Saturday 20 July 2013

Kooxo Hubaysan oo duleedka Muqdisho ku toogtay Dhaqtar caan ahaa



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
bistooloMuqdisho(RBC Radio) Kooxo hubaysab ayaa habeenkii xalay ahaa deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ku toogtay Dhaqtar caan ka ahaa deegaankaas,Dhaqtarka la dilay oo la oran jiray Alla ha u naxariistee Dr.Cismaan Dr.Craxmaan Macalin Fiqi ayaa waxaa toogtay kooxo aan la garaneen.
Dr. Cismaan ayaa waxaa la dilay xilli uu kasoo baxay Salaadda Taraawiixda waxaana la sheegayaa iney rasaas la dheceen kooxda dilka u geysatay taasoo keentay inuu goobta ku geeriyoodo,warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha dilkiisa.
Dr. oo ka hawlgali jiray Cisbitaalka Fiqi oo ku yaalla deegaanka Xayaad oo ka tirsan deegaanka Siinka-dheer oo Muqdisho duleedka ka ah qiyaastii 15Km,waxaana dhalay Dr. caanka ah ee Dr Craxmaan Macalin Fiqi oo ah Mulkiilaha Cisbitaalka Fiqi,qaar kamid ah bogaga wararka lagu qoro ee taageera alshabaab ayaa lagu sheegay in Dhaqtarka la dilay uu ka hawlgali jiray Cisbitaalka Daaru-shifaa ee magaalada Muqdisho kaasoo inta badan lagu daweeyo dhaawacyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Warar kale  oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dhaqtarku uu ka hawlgali jiray Cisbitaal ay maamulaan Turkiga kaasoo bixiya adeegyo caafimaad,si kastaba ha ahaatee dilkan Dhaqtarkan ayaa qayb ka noqonaya dilalka maalmahan danbe ka dhacayey Muqdisho iyo duleedyadeeda,Mana jirto cid si cad u sheegatay masuuliyadda dilkan.



RBC Radio
Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...