![]() |
![]() |
![]() |
Written by Administrator |
Saturday, 20 July 2013 03:02 |
![]() Xiisad kacdoon dadweyne ayaa ka taagan Deegaanka Ceelasha-Biyaha ee Magaaladda Hargeysa uga yimaadeen ee Geedeeble oo dhawr Km u jirta magaaladda Hargeysa,waxaana hadda la keenay Ciidamo Booliis ah oo qasab ku dhaaminaya Booyadaha-biyaha,maadaama Magaaladda Hargeysa ay biyaha looga soo arooro Deegan Geedeeble,iyadoo biyaha aysan ku filneyn magaaladda Hargeysa oo biyo yari la'aan ay ka jirto muddo 15-sanno ah.Arintan ayaa ka dhalay Xiisad Beesha Geedeeble ay uga carootay in Madaxweynaha Somaliland uu ka dhago-adeegay inuu ka bedelo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha una magacaabo nin ka soo jeedo Deegaanka Geedeeble.Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi-Gaab ayaa lagu eedey inuu arinta Ceelaha-Biyaha lug ku leeyahay,kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo ka dhaa-dhiciyay inaan la bedelin Maareeyaha Wakaaladda Biyaha,iyadoo ay hadda Beesha Geedeeble ay wacad ku mareen inay Hargeysa biyo la-aan ahaanayso inta laga bedelayo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha loona magaacabayo nin deegaan ah.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment