Tuesday 16 July 2013

Somalia - Wararkii maanta



Xiriirka ka dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ceel ku dhacay, Warbixiin iyo shaqsiyaad la isku haysto
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu si weyn ugu fashilmay olole xoog leh oo muddooyinkii danbe uu waday si uu xilka uga qaado guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Nuur (Tarsan).
Ololaha xil ka qaadista Tarsan ayaa ka mida qorshaha kooxda Dam-jadiid dejisay si ay ula wareegto jagooyinka ugu muhiimsan xilligan dowladda federaalka, waxayna kooxdu xilkan u dooneysan inuu qabto Jen. Xasan Mungaab oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, mas’uulkan oo hore ugu fashilmay inuu ka mid noqdo xildhibaanada dowladda Federaalka.
Sida ay sheegayaan xogta ay heshay Yoobsan News wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen ayaa dhowaan ku eedeeyay duqa Muqdisho amar diido kadib markii uu mas’uulkani ka hor yimid wareegto uu wasiirka arrimaha gudaha dib u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dhulka ee dowladda hoose ee Gobolka Banaadir nin lagu magacaabo Cabdikarin Cali, xilkan ayaa la sheegay inuu hore uga qaaday Gudoomiye Tarsan.
Agaasimaha uu xilka dib ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha ayaa la sheegay in xilka looga qaaday fadeexad ku saabsan dhul dan guud ah oo uu si xatooyo ah u sharciyeeyay dad caadi ah, taasoo keentay inay isku dhacaan isaga iyo guddoomiye Tarsan. Agaasimaha hore ee dib loo magacaabay Cabdi-kariim Cali iyo agaasimaha xilkaas iminka haya oo lagu magacaabo Cabdi-naasir C/llaahi Maxamed ayaa la sheegay inay gacmaha iskula tageen oo ay ku dagaalameen xafiiska xarunta gobolka horaantii bishan.
Arrintan ayaa keentay inuu si weyn uga caroodo Guddoomiye Tarsan oo wasiirka ku eedeeyay musuqmaasuq, halka wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka C/kariin Xuseen isna ku dhaqaaqay inuu xil ka qaadis u diyaariyo Mudane Tarsan. Khilaafkan ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay toddobaadkii hore markii uu soo dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo baraarugay qorshaha wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo la sheegay inuu si weyn uga xumaaday.
Xiriirka wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa Muqdisho ayaa sii xumaanayay muddooyinkii ugu danbeeyay lamina oga halka arrintani ku danbeyn doonto, inkastoo qorshihii uu xil ka qaadis ee wasiirku cuskan lahaa fashil weyni ku yimid.
Maamulka Somaliland oo hawada u furay Diyaaradaha UN-ka
Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib u fureen duulimaadyadii Qaramada Midoobey oo muddo labo bilood ka hor ay ka mamnuuceen deegaanadooda.Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay dib u furaan duulimaadyada Hey’adaha Qaramada Midoobey.
“15-kii bishii shanaad baan xirnay duulimaadyada qaramada midoobey, labada bilood xayirnaaayeen, markii Qaramada Midoobey maamulkii hawada iyagoo aan nala tashan maamulkooda ku wareejiyeen walaalaha soomaaliya”ayuu yiri Mr Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Mar wax laga weydiiyay waxa ku soo beegay go’aankooda dib u furida duulimaadyada ayuu sheegay in heshiiskii Istanbul uu qeyb ka ahaa in Maamulka hawada laga maamulo Hargeysa, gudiyo isku dhaf oo labada dhinac iyo Qaramada Midoobey ka howl galaan arrintaas.
“Si niyad sami u bilowdo ayaa arrimahaas u garwaaqsanay, waxaa soo kordhay in heshiiskii Hawada ee anaga iyo Soomaaliya naga dhaxeeyay, in gudi joogto ah la sameeyo wada hadaladii Turkiga ayuu ahaa”ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in Hey’adaha qaramada Midoobey ay howlo muhiim ka hayaan Somaliland, isagoo xusay in tallaabada ay dib ugu ogolaadeen duulimaadya ay saan saan fician u tahay bulshada Somaliland.
Mr Xaashi ayaa sheegay in gudiga saddex geesood ay si toos u howl geli doonaan sanadka 2014, marka si rasmi ah ugu soo wareego maamulka hawada Gacan Soomaaliyed sida uu yiri.
Hadalkan ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya, markii dhowaan gudiyo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ay ku saxiixeen heshiis saddex qodob magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Qaraxyo Miino oo saakay ka dhacay jidka Soddonka ee magaalada Muqdisho
Waxaa saakay aroortii hore ka dhacay Wadada Sodanka ee magaalada Muqdisho laba qarax oo waaweyn, waxaana qaraxyadaasi la sheegay  inay ahaayeen  miino kuwaasi oo  lagu burburiyay qaar ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeya ee ku yaalla wadadaasi.
Isgoyska Al-baraka ee degmada Hodan ayay qaraxyadu ka dhaceen , waxaana Miinooyin lagu xiray saddex baalle oo ka mid ah kuwa cadceedda qorraxda ku shaqeeya oo wadadaasi ku yaala.
Dadka deegaanka Al-Baraka degan  ayaa sheegay inay  qarxyadaan ay ahaayeen kuwo lagu sii xiray baallayaasha, waxayna sheegeen inaysan qaraxyadan geysan wax khasaare nafeed ah, cid loo qabtayna aysan jirin ilaa iyo iminka.
Maamulka degmada Hodan ayaan weli ka hadlin qaraxyadaan lagu baab’iyay baalayaasha Wadooyinka Xaafadaha ee degmadaasi, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa  falalka noocan oo kale ah ku eedeysa inay ka dambeeyaan Kooxada Al-shabaab.
Doon siday dad shacab ah oo lagu waayay Xeebaha gobolka Bari
Wararka aan ka heleyno dagkada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa waxay sheegayaan in dooni  ay saarnaayeen dad Shacab ah halkaasi lagu la’yahay .
Dadka la waayay, ayaa lasheegayaa inay markii hore ka ambabaxeen Xeebaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyagoona kusii jeeday deegaanada deeganada Xaabo iyo murcayo oo katirsan gobolka Bari.
Doonida, ayaa la sheegay in  la la’yahay muddo Shan maalin ah iyadoona dadka saran doonidaas la sheegayo inay gaarayaan  seddax ruux oo Rag iyo Dumar isugu jira.
Sababaha loo aneynayo in doonidaasi la waayao aya lagu sheegay inay thay dabeylo xoogan oo sida la shaaciyay ka jira xeebaha deegaamadaasi .
Dadka deegan bariga xeebah gobolka Bari, ayaa aad u isticmaamla doonyahy yar yar, kuwaas oo ay uga gudbaan xeebaha inta badan dhibaatooyin badan kala kulma waqtiga dabeylaha.
R/W Gaas oo si geesinimo leh runta ugu sheegay FAROOLE
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii doorasho ee ka dhacay Puntland laba maalmood ka hor, oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado oo aan loo baahneyn.
Gaas waxa uu sheegay in go’aankii uu doorashada ku joojiyey Faroole uu ahaa mid ku cuslaa oo uu lasoo daahay, balse iminka uu ugu hambalyeynayo.
Waxa uu yiri “Go’aanka Faroole uu qaatay waa mid loo baahnaa inuu qaato ka hor inta aysan dhibtu dhicin, balse wax ay ahaataba hadda waan soo dhoweynayaa”.
Gaas ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Puntland ay si cad u diideen siyaasadda Faroole ee nidaamka xizbiyada badan, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa mid uu ogaa inuusan marnaba ka hir galeyn Puntland.
Waxa uu hadalkiisa ku muujiyey in xukuumadda Faroole ay tahay mid aan heysan kalsooni, taasi oo ah sababta ay shacabka ku diideen.
“Mar walba waxaa soconaya oo kaliya waxa ay shacabka doonayaan, wixii aysan shacabka raali ka ahayn kama soconayaan Puntland” ayuu yiri Gaas.
 Halkee ayay tageen ciidankii Ethiopia ee ka tagay magaalada Baydhaba?
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa halkaas oo ka baxay in ay gaareen magaalada Bardaale ee gobalkaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Ethiopian ah oo wata gaadidka dagaalka ay saldhig ka sameesteen degmada Bardaale ee gobalka Baay, waxaa kaloo wararka intaas ay ku darayaan in ciidamada Ethiopia ay sheegeen Bardaale in ay dhigan doonaan xarunta ugu wayn ee dalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo jirra ciidamo badan oo Ethiopian ah oo wata gaadid dagaal in ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaasoo soo waaday Bardaale.
Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online in ciidamada Ethiopia ay ka bixi doonaan gobalada Baay, Bakool iyo Gedo, waxaana loo badinayaa in ciidamadaas la geen doono qaybo ka mid ah gobalada Jubbooyinka oo hadda ku sugan yihiin ciidamo AMISOM oo ka socda Kenya iyo Searalinone.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Ethiopia ee ka baxay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Waxaa laga cabsi qabaa in goobaha ay baneeyeen ciidamada Ethiopia in ay gacanta ugasho kooxda Al-Shabaab, waayo dhowr bil ka hor ayaa ciidamada Ethiopia oo ka baxay magaalada Xudur ee gobalka Bakool waxa la wareegay Al-Shabaab.
Cali Maxamed “Warancade”: “Ninka la yiraahdo C/llaahi Cali Caanood ayaa ku hanjabay inay mar labaad dhulkeenna ka taagaan calankii aynu tuurnay..”
Maamulka la magac  baxay Somaliland  ayaa sheegay inay heleen xog  ku aadan in duulaan xooggan uu kaga soo wajahanyahay  magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha ee  Maamulka  Somaliland Cali Maxamed “Warancade” ayaa si kulul uga hadlay war dhawaan warbaahinta isla dhaxmareysay balse aan laheyn xaqiiqdiisa oo sheegayay in  Gen. C/laahi Cali Caanood mar uu khudbeynayay ciidamo Lixaad leh oo tababar loogu soo xiray Jaziira ay xureyn doonaan gobolada dalka oo dhan calanka Soomaaliyana ay ka taagi doonaan gobol kasta oo ka mida Soomaliya.
Wasiirka ayaa sheegay inay udiyaar garoobeen weerarka uu tilmaamay in Muqdisho uu kaga soo wajahanyahay isla markaana  ay diyaariyeen ciidamadii dhulkooda ka difaaci lahaa in Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya laga taago.
“Ninka la yiraahdo C/llaahi Cali Caanood ayaa ku hanjabay inay mar labaad dhulkeenna ka taagaan calankii aynu tuurnay ee dhibka badani inaga soo maray, isaga oo ku hadlaya afka dowladda iyo kan ciidamada Soomaaliya, ciidamo lixaadleh ayaa lagu diyaarinaya Jasiiro kuwaas oo la doonayo in markale lagu qabsado Soomaaliland”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili wadahadalo ay usocdaan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, iyagoo dhawaan shir ka dhacay Istanbul ku heshiiyay in hawada Somalia laga maamulo Hargeysa.
Dowladda Kenya oo iska fogeysay eedeyntii QM kaga timid
Saraakiisha ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa arrin been abuur ah ku tilmaantay warbixin ay  shalay Q,M soo saartay oo ku saabsaneyd in ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo ku sugan ay M/mulka Axmed Madoobeku gacan siiyaan dhoofinta dhuxusha oo asy dawladu horey u mamnuucday.
Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo Kismaayo ku sugan oo la yiraahdo Bogita Ongeri ayaa  warbixiunta Q,M ku tilmaamay m id loo qaaday qaab daran oo aan dhamaystirneyn sida uu yiri.
Bogita Ongeri waxaa uu sheegay in arrinta ku saabsan ka ganacsiga dhuxusa ay tahay hawl aan u oolin ciidamada Kenya shaqana aysan ku laheyn sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in barista Q,M ay arrintaan ku samaysay ay u adeegsatay ilo aan xog ogaal aheyn.
Sarkaalkaan Kenyaatiga ah waxaa uu sidoo kale sheegay in ujeedka ay markii horeba  ciidamadooda u tageen magaalada Kismaayo ay aheyd inay Al-Shabab ka gooyaan dhaqaalihii ay ka heli jirtay dhoofinta dhuxusha.
“Shaqadeenu waa sugida amaan iyo xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya runtii ciidamadeenana shaqadaas waa ay qabteen” ayuu yiri Bogita Ongeri oo ka mid ah afhayeenada ay ciidamada Kenya
Golaha amaanka ee Q,M ayaa bishii February ee sanadkii hore mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya gaar ahaan magaalada KIsmaayo hase ahaatee warbixin ay soo saareen guddiga daba galka ee Q,M ayaa waxaa ay ku sheegeen in ciidamada Kenya ay M/mulka ka jira KIsmaayo ee Sh, Axmed Madoobe ku gacan siiyaan dhooofinta dhuxusha oo laga helo malaayiin Dollarka Maraykanka

Ra'yiga Shirkii Nairobi: Siyaasiyinta shirayow horta adinku muraayada isku fiirsha
Faaladaan kooban waxaan qalinka u qaatay markaan aan arkay ama aan dheehday kulan ay siyaasiyiin intooda badan ku fashilmay siyaasada Soomaaliya ay Nairobi ku yeeshaan, kulankan ay ku micneeyeen mid iska caadi ah oo is waraysi ah, balse anigu taas dhag jalaq uma siin,waayo Cali Geedi, Cumar Cabdi rashiid,Cali Khaliif ,Cabdi Raxmaan baadiyahow ,yuusuf Garaad,Gaandi iyo xubno badan oo kale waxa i ku keenay kaliya maahan waan wada afuraynay.
horta siyaasiyiinta aan kor ku soo xusnay kuligood siyaasada waa ku fashilmeen marka laga reeboo labo nin oo laftirkooda damcooda siyaasada uu cusubyahay balse hada aad mooda inay miciin bidayaan siyaasiyiin shacabku uu ka daalay inay wax dumiyaana maahan aan looga baran inay wax dhisaan.
hadii aan kala qaado ragaan shiray oo aan mid mid waxay uga iraahdo anigoo og in shacabku uu yaqaano hadan aan waxuun idiin xasuusiyo nin walba siduu ugu fashilmay siyaasada,
Cali Gedi waxaa Ra’iisulwasaare la magacaabay Sanadii 2004 dhamaadkeedii waana Siyaasi baal mugi ah ka galay siyaasada wuxuuna mudanyahay in la xiro sida xasan daahir oo kale waayo dad badan ayaa maanta amar uu bixiyay dartiis loo laayay waxaan hubaa inaan aqaano laftirkaygu kumanaan uu ka dhigag Cali geedi agoomo oo maanta xeryaha qaxootiga raashin loogu qeybiyo kuwana uu ka dhigay naafo aan dunida wax ka qabsan karin, waa nin fashilmay lix sano ka hor intaas ka badan inaan ka sii iraahdo ma doonayo oo buugiisa fashilka waa mid buuxa Soomaalina kuwa aan xitaa wax aqrin hadladiisa fashilka ayay saxaafada ka maqlijireen habartii aad waydiisu waxay leedahay kii Amxaarada dadka ku laayay oo soo horkacay miya Cali geedi waxaan ku dhihilhaa dowlada Xasan shiikh ee aad leedahay walala xisaabtamayaa waxay mudantahay inay ku xirto Xasan Daahir aad xabsiga ku saaxiibtaan ,hadii cadaalad la rabo. marka Geedi Muraayada isku fiiri intaadan hadalin
Cali Khaliif waa siyaasi ku duqaabay siyaasada, yaxaas ku doqoobay biyo meel uu uga baxaana ma jirto waayo waaba dhimanayaa, Cali khaliif marka laga soo tago xakuumadii Maxamed Siyaad oo lugu eedeeyo waxbuu musuqmaasuqay taas oo wali cadeyn loo heyn balse waxaa marag madoonta ah inuu ku fashilmay Dowladii ugu rajada fiicneyd ee Soomaali oo dhan ay taageertay maalintaas oo aysan jirin xagjirnimada Soomaaliya maanta ka jirtaa wax uu qaban waayay maanta maqabanayaa,waana ninkii sanadii 2001 inta ciidamadii qaranka ee xooga Dalka ee u yimid inay dalka nabad ku soo celshaan oo soo dhoobtay ama yimid Gooroonka Magaalada muqdisho ee kubada cagta ee wayay wax daryeela qaarkoodna ay ka yimaadeen Afmadow ilaa laascaanood halkaasna ay gaajo ugu ninteen qaarana ay ku laayeen hogaamiye kooxeedyadii wagaas jiray xilgasn waxaa wasiirkiisa gaashandhiga ahaa Boqor kinkoon oo isbuuc ka hor lagu aasay Qaradho
Cali khaliif xilgaas Ciidmadii xooga waa diiday inuu dhiso,waxuuna mushaar siinayay 30000 kun oo maleeshiyooyin ah oo ay ka mid yihin kuwii Cismaan Caato,ina caydiid qanyare iyo kuwa kale waxayna isbaaro dhigayeen xaafadaha muqdisho marka Cali khalif ,iyadoo wadanku uu deganyahay ayaad wax qaban waysay ee hada maxaad umada u qaldaysaa
Cali khaliif hada waxuu meel kasta ka sheegayaa in Xasan Sheikh uu awoodii Saacid uu marooqsaday,waxuuna Cali yiri isagoo arinkaas ka hadlaya ,anagu marabno Raíisulwasaare nin hooskiisa oo ula jeedo in Saacid uu hoos yahay uusan meesha awood ku laheyn ,hadii ay sedexda mas’uul ay ku heshiiyeen inay midnimo muujiyaan maxaa loo faagfaagayaa oo laa dhahayaa is khilaafa,marka Cali hadii aad wax ku keenayso Cabdi qaasim ayaad is khilaafteen waxna kama suuroobin dowladii la iidin dhiibay Marka adigana yaxaas umada ha ku noqonin ee Muraayada isku fiiri
Cumar Cabdi Rashiid isagu dowladii Shiekh Shariif ayuu Ra’iisuwasaare ka soo noqday hadalo xanaf abuurayo malaga hayo intii uu jagadaas hayay laakin dowlad daciifa oo wax qaban ayuu sameeyay, Baddana inuu ka gatay kenya ayaa uu suuqa u gashay ,marka hadana Kismaayo ayuu ka soo muuqday waxayna u egtahay inuu fashilmay marka isganuna muraayada ha isku fiirsho
Gaandi waxuu wasiir ka soo dhoqday Dowladii Cumar Cabdi rashiid, waxuuna ahaa wasiirkaa Gaashaandhiga ciidan Soomaaliyeed meeshii laga sugayay inuu dhiso,ayuu waxuu dhisay ciidan qabiil oo ula jeedkiisu uu ahaa inuu kismaayo ku qabsado,isagoo wasiira ayuu diiday in ciidankii uu qabiilka ku aasaasay ee joogay xaduuda kenya in Qaran laga dhigo oo Muqdisho iyo gobolada kale la geeyo,ilaa iyo uu garaay inuu katala diido Madaxweynihii xilgaas Shiekh Shariif, Gaandi fashilkiisu isagu waxuuba ku dhiiqaday ciidankii qaranka ayy qabiileeyay marka isaguna maaheyn inuu maanta umada soo horjoogsado
C/raxmaan Baadiyow waa nin aqoonyahan ah hadana bulshada rayidka ah ku soo jiray mudo, siyaasada ayaa hunguri ka galay waana isa soo sharaxay meel fiican ayuu garay laakin waxay aheyd inuu mar kale is tijaabiyo, balse maaheyn inuu meel la soo fariisto rag fashilmay, marka adigana murayada isku fiiri shaarkaaga waa cadyahay laakin wasaqda adigaa la raadsanaya.
Yuusuf Garaad waa wariye caana hal abuur fiican, firficoon, una qalma Madaxweyne Soomaaliyeed,hadana markii uu garaystay inuu umada shaqo u qabto sida uu sheegay, waxuu shaqadiisa ka bilaabay inuu tartamo, waana is tijaabiyay , walina fursado kale ayuu haystaa laakin maalmahan waxuu dareenkiisa ku cabirayay baraha bulshada,waxaa muuqata inuu qadada maalmahan la cunayo ragii fashilmay,marka hadii aad rabto inaad qaadato shahaado PHD ah balse nin ku fashilmay Dugsi hoose aad tiraa waxaan rabaa inuu ila eego buugayga qalin jabinta ee PHD uu waliba iga saxo taas macquul matahay marka,waxaan u arkaa inaad adiga iyo baadiyow aad siyaasada ka loox jiidanaysaan ragaas fashilmay,marka hadii aad dan modeen kuma jirto ee kaarka ha iska gubinina.
markaan ka soo tago fahfaahinta ragaan aan ka soo wada bixiyay ,waxaan kaloo ku daraa siyaasiyiinteeno dan kale malahan miyaa oo ay bulshada u qabtaan,mise siyaasada bis ayay macaash ka barteen.
Hadii aad siyaasada ku fashilanteen labo midbaa la gudboon inay sameeyaan ragaan.
1 inay xisbiyo leh hal abuur fiican uu nin walba samaysto amaba intii is fahmaysa ay wada samaystaan, bulshadana waxay rabaan ama anafacaya ay u soo bandhigaan, sidaasna u mar kale isku tijaabiyaan iyagoo xisbiyo ka socda
2 inuu sameeyaan sida ay samayeen siyaasiyiinta wadamadooda xilalka sare ka soo qabtay ee markaay jagada ka dagan ama la casilo ay noqdaan dad ka shaqeeya inta badan arimaha sama falka sida Cilinton oo kale iyo madaxweynayaan ama ra’iisul wasarayaal kale oo markay siyasada ay muda ku jiraan waxay bulshadooda u sameeyan wax wax u taraya,iyagoo u beyra dhinaca samafalka iyo taageerada dadka nugul.
ka soo bilow Madaxweyne Cabdi qaasim ilaa Shiekh Shariif,ka soo bilow Raíisulwasaare Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen ilaa Cabdi wali Gaas yaa ii sheegi kara hal nin inta magaciisa ama sumcadiisa bulshada baahan wax uga qabtay oo hal hay’ad oo maxali ah sameeya oo noqnda nin umada wax u qabto oo yiraahda aniga TB ayaan la dagalamayaaa ,ama yiraahda malaariyadaan la dagaalamayaa ama yiraahda faqrigaan la dagalamaya ama yiraahda biyo la’aanta la dagalamay ama wax ka qabanayaa,nin walb markuu xilka waayo,waxuu raadsadaa dantiis dibada ayey wareegaan dadka ayay hadana siyasada qaldan ku hugaamiyaan.
Marka Cali Khaliif,Cabdi Qaasim,Cali Geedi,Cumar Cabdi Rashiid,Shiikh Shariif,Cali mahdi, Farmaajo,Nuur Cade Cabdi wali Gaas, intaas maanta waa rag wada aqoonyahan ah maanta aqoon daro ayaa haysa lama dhihi karo kuligood nin maanta hal mashruuc ama hal hay’ad oo umada wax u qabato sameeyay ma jirto markay xilkii ka dageen, mise hoteel inta lagu qadeeyo ayaaba iyadoo dharag lala daacsanayo ayaa la yiraahdaa Siyaasada Dowlada aysan markaas ku jirin waa qaldantahay anigaa og meesh wax ka qaldanyihiin,hadii aad intaas fahmiwayseen fadlan guryihiina ku ekaada oo dan umad Soomaaliyeed hasheeginina
Qoraalkayga waxaan ku soo koobayaa shirka ay siyasiyiin badan ay ku yeesheen Kenya ama dhaha waxbaan ku saxeynay ama dhaha waxbaan ku wanaajinaynay wax fiican la idin kama baran intiin badan marka laga reebo rag yar ee waa fashilanteen muraayada isku fiirsha,
Kulankii Nairoobi ee siyaasinyiinta fashilantay waxay doonayaan inay dowlada fashilaan kadibna la yiraahdo bal Soomaali wax kale ama shir kale haloo qabto,waxaas waa laga gudbay,hadii qaarkiin ay quuldaraynayaan inay jago helaan si kale wax uraadsada.


 /Diyaariyay:
 Muqdisho (Maamulka degmada Heliwaa, ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid qaar ka mid ah shacabka ku nool degmaasi taasi oo ku aadan barakicin ay sheegeen inay ku hayaan rag ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya .
Cumar Cabdulle Jacfaan, gudoomiayha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in arintaasi isagu uusan mas’uul ka aheyn isla markaana ciidamada shacabakaasi ay ka cabanayaana aysan isaga ka amar qaadan.
Jacfaan, wuxuu sheegay in isaga ciidamadiisu ay ka arimiyaan kaliya Saldhigga degmada iyo waaxyaha qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi, waxaana uu sehegayn in ciidamada shacabka gubadleey dhibka ku haya ay ka amar qaataan dowladda Soomaaliya balse aaney maamulkiisa toos u hoostagin.
Dhanka kale wuxuu ka war bixiyay xaalka amaan ee degmaadsi, isagoo sheegay in haatan ammaanka uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo, isagoo sheegay inay wada shaqeyn buuxda ay ka dhexeyso shacabka iyo ciidanka degmada.
Ugu dambeyn, Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay kaalmo la soo gaaraan shacabka gaajeysan ee barakaca ah ee degmadaasi ku nool, waxaana uu tilmaamay in maadaama lagu guda jiro bisha ramadaan loo baahan yahay in  la is caawiyo.
Cumar Jacfaan
Dhowr haben ka hor xafadda suuqa xoolaha ee degmadaasi Heliwaa waxaa ka dhacay weerar ay so qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa ururka Al-shabaab , kuwaasi oo sababay dagaal sacado socday.
Magaalada MUQDISHO oo caawa ah lagu dilay…..!
 Dableey ku hubeysan bastoolado ay goordhow ku toogteen labo askari isoygska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaan ka sameeyay goobta.
Waxaa sidoo kale jahwareer uu ku yimid isgoyska Bakaaraha, oo ay adeegsadaan baabuur badan waxaana goobta dilka ka dhacay ka socda baaritaan.
Isgoyska Bakaaraha waxa uu ka mid yahay meelaha ugu mashquulka badan caasimada Soomaaliya, waxaana ku yaalla suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Ma ahan markii ugu horreysay oo askar ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilo isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...