Thursday 25 July 2013

Warbixin Wasiiradda la isku shaandeynayo

Is bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa la dhameeyay, iyadoo lagu wado maalmaha soo socda in lagu dhawaaqo Xukuumada cusub oo ka koobnaan doonta tiradii ugu badneyd.

Tirada Xukuumada ayaa ka badan tan haatan, waxaana la isla dhex wadaa in 23-25 laga dhigo doono, waxaana hadal heynta arrimahaas ku saabsana ay yihiin kuwo aad isa soo taraya.

Sida Jowhar.com ka soo xigatay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo is bedelka ayaa ah mid la soo gaba gabeeyay, iyadoo kaliya la sugayo in la iclaamiyo goorta lagu dhawaaqayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyada ku saabsan isku shaandheynta Golaha wasiirada, iyadoo maalmihii u dambeeyay uu xooga saarayay is bedelkaas.

Inkastoo dowladdiisa ay wajaheyso mucaarado gudaha iyo dibada ayaa cadaadiska ugu weyn waxaa kaga imaanayay dalalka deriska oo aan horay ugu qanacsaneyn Wasiiradii la magacaabay.

Goor sii horeysay ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xaqiijiyay inuu is bedel imaan doono, gaar ahaan Xukuumada, iyadoo aad dhegta loogu taagayo.

Wasiirada qaar ayaa la leeyahay waxaa loo bandhigay, qaarkoodna waaba ay aqbaleen, waxaana ka soo muuqan doona wajiyo cusub.

Xubnaha ka soo muuqanaya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay wasiirka dastuurka ka soo noqday Xukuumadii Prof. C/wali Gaas, sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wasiiro kale ku jiraan.

Waxaa la sheegaya in Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada loo dalaacsiinayo Wasiir buuxa gaar ahaan Wasiirka Qorsheynta, waxaana kuxigeen u noqonaya Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Guutale.

Wasiirada Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada oo dhowr wasaarad ka kooban Dr. Maryan Qaasim ayaa loo magacaabi doonaa Wasiirka Caafimaadka, halka wasaaradaha kale la kala qaadi doono.

C/kariin Guuleed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dib u soo laabanaya, oo wasaaradiisa dib boorka looga jafi doonaa.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Wasiiro iminkan xilal haaya ay xilkooda waayi doono, waxaa kaliya shaashada ka soo muuqanaya wasiirada ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa la yareynaya Wasiir kuxigeenada iyo Wasiir dowlayaasha, maadaama Wasaaradaha ay yihiin kuwo badan, kadib markii la kala qaaday wasaarado is dul saarnaa.

Wararka la isla dhex maraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Wasiirada beesha Hawiye ayaa loo qeybsaday qaabkan maadama 5 Wasiir ku soo aaday beeshaas.

Beelaha kale ee Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha shanaad ayaa iyagana waxay helaan min 5 Wasiir.

Warar kale ayaa sheegaya in haweenayda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji ay sii joogi doonto booskeeda laakiin waxaa laga jaray Iskaashiga Caalamiga taas oo laga dhigay Wasaarad kale.

Haddaba xogta laga helayo waraaqda jeebka Madaxweynaha ku jirta oo aad u yar iyo Lataliyaashiisa oo aan waxba dhaamin dad kale oo banaanka ka jooga Maamulka ayaa keenaya in aan si dhab ah loo ogaan Magacyada liiska cusub ee Golaha Wasiirada.

Is bedelka ayaa laga yaabaa inuu dhaco dhamaadka bisha Ramadaan, sida hadal heynta ugu badan ay tahay, waxaana dhici karta inay dib u dhacdo ilaa horaanta Agosto.



Somali news leader
www.jowhar.com
golfyare@gmail.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...