Friday 19 July 2013

Nin Kursiga Laaluush ku yimid ma filayo inuu Dalka wax ka qaban-karo:Professor Cali Maxamed Geedi oo weeraray Madaxweyne Xasan Culusoow

Nin Kursiga Laaluush ku yimid ma filayo inuu Dalka wax ka qaban-karo:Professor Cali Maxamed Geedi oo weeraray Madaxweyne Xasan Culusoow PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 20 July 2013 01:36

Professor Cali Max’ed Geeddi oo ka mid ahaa raisul wasaarayaashii xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa si kulul u weeraray madaxaweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Isagoo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa Prof. Geeddi waxaa uu sheegay in hanaankii uu kursiga madaxweyneaha dalka ugu tartamay Xasan Shiikh Maxamuud uusan xalaal aheyn.

“Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud cid walba waa ka war heysaa guddiga QM ee dabagalkana wey sheegeen waxaa uu markii horeba kursiga ku yimid laaluush iyo musuqmaasuq ka dhashay lacago malaayiin dolar gaaraya oo ay bixisay dowlada Qadar, rag badan oo aan aqaano oo xukuumada ku jirana laaluush ayey xilalkaas ku tageen” ayuu intaa ku daray Prof. Geeddi oo isweydiiyey sida ay dalka wax uga qaban karaan madax markii horeba qaab musuqmaasuq ah ku yimid kursiga.

Prof. Geeddi ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay sharciga horkeento shakhsiyaadka lagu eedeeyey musuq maasuqa ee ka tirsan Dawlada Somaliya iyo magacyadooda la xusay ee amaan darada ku howlan si buu yiri umadda looga qabto.

Prof. Geeddi ayaa ku amaanay baarlamanka Somalia sida ay waajibaadkooda dastuuriga ah u gudnayaan isagoo xusay in ay dib u celiyeen hindise sharciyeedyo loo soo gudbiyey, qaar kalena ay wax ka bedeleen ka hor inta aysan meel marinin.

Cali Maxmed Geedi ayaa soo hadal qaaday wareysi uu dhowaan siiyay idaacada Al-furqaan ee taageerta Al Shabaab, isagoo sheegay in wareysigaasi uu ku dhacy qaab qiyaano ah, uuna cashar ka qaatay.

“Wariyaha i wareystay waxaa uu ahaa qiyaanoole. Waxa uu ii sheegay in uu ka shaqeeyo magaca idaacad kale. Markii aan wareysiga guda galnay ayuu bilaabay wax ka baxsan sharciga saxaafada anigana kuma damin ee waa la dooday, Waxa aan uga digayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku dhacaan dabinka noocaas oo kale ah” ayuu yiri Cali Maxmed Geeddi

“Dad badan ayaa qaba su’aal la yaab badan oo ah waxa igu qasbay in aan qoladaasi wareysi siiyo. Waa ka tacsiyeynayaa qaladkaasi dhacay” ayuu yiri Prof. Geeddi oo balan qaaday inuusan mar dambe wareysi qadka teleefoonka ku dhiibin ilaa uu ka hubiyo ruuxa uu la hadlayo waxa uu yahay iyo halka uu ku sugan yahay.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...