Wednesday 31 July 2013

Isku shaandheyntii Xukuumada oo September dib u dhacday iyo Xildhibaanada oo la fasaxay

Isku shaandheyntii Xukuumada oo September dib u dhacday iyo Xildhibaanada oo la fasaxay
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta galay fasax bil ah oo ka bilaaban doonta maanta, iyadoo la soo xiray maanta kalfadhigii aan caadi aheyn ee Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay Xildhibaanada in muddo bil ah ay sii shaqeeyaan.

Kalfadhiga aan caadiga aheyn fadhigiisa 18aad ayaa maanta la soo xiray, iyadoo Xildhibaanada ay horay u soo ansixiyeen dhowr hindiso sharciyeedyo ay soo gudbisay Xukuumada, inkastoo ay dhiman yihiin hindiso sharciyeedyo kale.

Fasaxa Xildhibaanada ayaa baajiyay isku shaandheyntii lagu waday in Golaha Wasiirada lagu sameeyo, maadaama aanay Xukuumad la soo dhisi karin iyadoo fasax uu jiro Baarlamaanka, isla markaana sida dastuurku qabo ay tahay in Xukuumada marka la soo magacaabo muddo 30-cisho gudahood lagu horkeeno.

Waxaa jiray qorshe ku aadanaa in mudanayaasha baarlamanka looga dalbado in muddo todobaad dheeraad ah ay sii shaqeeyaan, si markaas isku shaandheynta Xukuumada lagu shaaciyo, deetana lagu horgeeyo, hase ahaatee uu diiday Gudoonka baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa la filayaa inay soo laabtaan 2-da bisha September, iyadoo markaas wixii ka dambeeya laga yaabo in is bedelka Xukuumada lagu dhawaaqo.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada la shaacin doono ka hor 16-ka September, xilligaas uu ka furmayo magaalada Brusless shir Midowga Yurub ay u qabaneyso Soomaaliya oo ku saabsan dib u dhiska dalka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray hadal heyn badan oo ku aadanaa is bedelka Xukuumada lagu sameeyay, kaasoo intiisa badan la dhameystiray, waxaana Xukuumadan ay ka koobaan doontaa 50-Wasiiro oo isugu jiro 25-Wasiiro, 20-Wasiir kuxigeeno iyo 5-Wasiiru dowle sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada madaxda dowladda ee ku howlan is bedelka Xukuumada.


Somali news leader 
www.jowhar.com 
golfyare@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...