Tuesday 30 July 2013

Xiisad ka taagan Cabudwaaq iyo 18-askaro oo dhaawacantey


degdehg48
Cabudwaaq[RBC Radio]Degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa maanta ka taagan xiisad u dhexeysa dadka deegaanka kuwaaso isku haysta dhul ku yaal degmada,sida ay xaqiijiyen maamulka degmadaasi khasaare ayaa ka dhashey xiisada.
Maamulka degmada ayaa sheegey in 18-askari ay dhaawacmeen kuwaaso ka mid ahaa booliska degmada ee dowladda faderaalka Soomaaliya,dhaawaca askarta ayaa kadanbeysey kadib markii ay rasaas la beegsadeen kooxo isku heystey dhul ku yaala deegaanka.
Gacal Cali Jabiin guddoomiye ku-xigeenka degmada Caabduwaaq ayaa sheegey inay ciidamadu isku dayeen inay kala dhex galaan labo maleshiyaad oo isku heysatey dhul kuyaaley degmada balse ay kala horyimaaden rasaas nool nool oo ay la dhaceen taasina ay sabaabtey inuu khasaaro baaxadleh ciidamada soo garo.
“Xiisad waxaa ay ka danbeysey dhul labo kooxod ay isku heysteen booliska ayaa tagen dhulka la isku heysto si ay u dhex galan labada maleeshiyad balse rasaas ayaa lala beegsaday,waxana ay u heysteen ciidamo gurmad ah oo labadooda dhinac mid garab siinaya”ayuu yiri guddoomiye Gacal Cali Jabiin.
Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada ayaa sheegey in dhaawaca soo garey askarta ka tirsan kuwa dowladda in ay yihiin dhaawacyo fudud intooda badan, balse waxaa jira qaar ka mid ah booliska oo dhaawacoodu culus yahay,sidoo kale Gacal Cali Jabiin waxaa uu caddeyey in dhaawaca askarta intoodi liidatey loosoqadey magaaladda Gaalkacyo si halkaasi logu dabiibo.
Gacal Cali Jabiin ayaa baaq udirey odayaasha degmada Cabudwaaq waxaa uu ugu baaqey inay ka hortagaan shaqaaqadan inta aysan si baahin oo aysan khasaare inta kabadan dhalin,halka bulshada uu u sheegey inay ka hortagaan waxkasta oo dhibaato horseedi kara.
Ugu denbentina guddoomiye ku-xieenku waxaa uu sheegey inuu maamulku dadaal ugu jiro sidii uu uqaboojin laha xisada ka dhalatey dhulka ay isku heystaan dadka deegaanka.
Isqab qabsiga ka dhasha dhulalka ay isku qabsadaan dadka Soomaalida ayaa intisa badan dhaliya khasaare nafeed,iyadoona inta badan uu ku soo lablabto dhulalka Soomaalida khilaafka ka dhasha.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...