Saturday 20 July 2013

Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhawaajisay iney meesha ka saartay qodobada xeerka Saxaafadda ee muranka keenay qaarkood



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
ciil moogeMuqdisho(RBC Radio)  Xukuumadda federeaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay iney sibedel ku samaysay qodobada qaar ee xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ay muran badan ka keeneen wariyaasha Soomaaliyeed Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney bedeleen qodobada qaar kuwaas oo ay si weyn uga cawdeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday iney sharcigan xeerka saxaafadda ka saareen qodobo  ay ka mid yihiin qodob sheegayey iney wasaaradda  Warfaafinta ay hoos imaanayaan golaha qaranka Saxaafadda,wuxuuna intaa ku daray iney ku hawlkan yihiin qodobo kale ee ay wada tashiyo kala leeyihiin hogaanka warbaahinta dalka sida uu sheegay.
Wasiirka ayaa markale ku celiyey in ujeedka xeerkan ay dowladdu uga dan leedahay in la kala xadeeyo Xaqa iyo waajibaadka lagu leeyahay wariyaha Soomaaliyeed iyo midka uu isagu xaqa u leeyahay,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in xukuumaddu aysan marna dooneen iney caburiso Saxaafadda madaxa bannaan.
Wasiirka ayaa wali si toos ah u abaarin qodobka uu ka dhashay guuxa ugu badan kaasoo ahaa in Wariyuhu uu sheego ila wareedka uu warka kasoo xigtay arintaas oo ay ku gacan sayreen Wariyaasha Soomaaliyeed taasoo meel ka dhac ku ah xeerka Saxaafadda ee adduunka.
Arimahan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay habeen hore Muqdisho ku kulmeen R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo uu wehlinayey wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge iyo hogaanka warbaahinta madax bannaan oo R/wasaaraha hor dhigay cabashadooda.



RBC Radio
Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...