Saturday 6 July 2013

Maamulka gobolka Bakool oo ka warbixiyey dagaalo ka dhacay gobolkaas,sheegayna inuu jiro is afgarad dhexmaray iyaga iyo SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur

bakoolMaamulka gobolka Bakool ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaas gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cali Mayow ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen deegaano qiyaastii 30KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobolkaas oo ay ku sugnaayeen ciidanka alshabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya oo fariisin ku lahaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iney duullaan ku qaadeen deegaano u dhexeeya Waajid iyo Xudur halkaas oo sida uu sheegay ay fariisimo Istaraatiiji ah ku lahaayeen alshabaab,wuxuuna sheegay iney la wareegeen deegaanadaas oo uu gudoomiyuhu sheegay iney yihiin deegaano  Ceel Biyoodyo  leh,isagoona intaa ku daray iney alshabaab u kala cayriyeen dhanka dhulka Hawdka ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Bakool iney u diyaar garoobeen xoraynta deegaanada ku jira gacanta alshabaab oo ay ugu horeyso degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
roobow abu manusurDhanka kale Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa soo hadal qaaday arimaha la xiriira in SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee alshabaab uu ku sugan yahay gobolka Bakool iyo waxa ka jira wararka sheegaya iney jiraan xiriiro iyo wadahadalo u socda maamulka gobolada Baay iyo Bakool iyo SH Mukhtaar Roobow.
Gudoomiyaha ayaa si cad u sheegay inuu jiro is afgarad sida uu sheegay u dhexeeya  SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur iyo maamulka gobolka Bakool,wuxuuna tibaaxay iney isku mabda’ yihiin”Cadowgaaga Cadowgiisu waa saaxiibkaa,Waxaan ka mideysannnahay oo aan la wada dagaalamaynaa Axmed Godane”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bakool.
Gudoomiye Maxamed Cali Mayow ayaa ka gaabsaday inuu si faah faahsan uga hadlo is afgaradka uu sheegay inuu ka dhexeeyo maamulka gobolkaas iyo Sh Mukhtaar Roobow oo ka tirsan hogaamiye sare ee  dhaqdhaqaaqa alshabaab ee dagaalada ka wada Soomaaliya.
SH Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee alshabaab ayaa dhawaanahan ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool kadib markii uu kasoo baxsaday magaalada Baraawe oo rag uu ka mid ahaa oo kasoo horjeeday Fikirka Axmed Godane ay ku sugnaayeen,waxaana weerar  kusoo qaaday rag daacad u ah hogaamiyaha ugu sareeya alshabaab Axmed Godane taasoo sababtay in Nin walba uu u baxsado halka uu ku badbaadi karo.
Dagaal ka dhacay magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu dilay Labo sarkaal oo ka tirsanaa hogaanka sare ee alshabaab,intaas kadib ayaa raggii ka badbaaday weerarkaas waxa ay u kala carareen deegaanada ay kasoo jeedeen,Roobow iyo ciidamo uu wato ayaa hada ku sugan gobolada Baay iyo Bakool,SH Xasan Daahir Aweysne oo isne kasoo baxsaday ugaarsiga uu  Axmed Godane  ku hayo ragga kale ee ka tirsan ururkaas ayaa  ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya,halka qaar kalane ay u kala carareen gobolada kala duwan ee dalka,waxaana soo baxaya wararka sheegaya in rag uu ka mid yahay Abu Mansuur iney wadahalo kula jiraan dowladda Soomaaliya walow aan si rasmi ah wararkaasi loo shaacin.
Wixii kusoo kordha wararka SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur iyo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado gobolada Baay iyo Bakool iyo warkan kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Baay kala soco warbaahinta Raxanreeb.com.




RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...