Bishan July 9 keedii ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo
Soomaaliya iyo Somaliland ka socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo
wareegaan maamulka hawada Soomaaliya, in la isla maamulo iyo in Hargeysa
laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa wixii laga soo maray
in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan weli ka dhimman, waxa la
maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan kara iyo weliba
haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.
Waxay ahayd 2002 markii Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka
ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha Muqdisho isugu yeertay ee
dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya” hawada Soomaaliya
laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay in loo oggol
yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta hawada
Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay
Muqdisho.
Sarkaalkii wey u suurta gashay in uu dayaarad la hadlo, markii
ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo tashwiish fara badani ku dhex jiro,
ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan labadaba oo duuliyaha ku
yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa halkan kaa hagi
doonna.
Codkaas ayaa soo af jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG ula wareegtay hawada Soomaaliya.
Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay isku
day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee
Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd gegida
dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku
hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul
mara. Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii
ahaado.
Dowladdii Shiikh Shariif ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar
Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in uu soo ceshado maamulka
hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg jalaq u siin. Wuxuuna
Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in ay maamusho,
sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa
Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay maamulka hawada dalka ay kala
soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u
sameeyeen UNDP iyo Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama
meelmarin.
Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar
wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo
Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo dad
badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho
fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada
Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska
Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu
wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida
hawada Soomaaliya.
Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya
oo dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda Soomaaliya. Waa
marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku xiraa. Ma
aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa,
Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan.
Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa
maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u
kala goosheysa Paris iyo Réunion. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo
Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku
xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa ay hawada
Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.
Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso
hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay
kana dhabaysay in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee
tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay hawada “Somaliland” ku
wareejineyso “Soomaaliya”.
Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9
July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo, lagana maamulo
Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay
dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay muujinayaan
dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.
Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal
daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun ugu soo
dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in shaqaale
iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli doonaan Hargeysa.
Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada Soomaaliya oo
ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.
Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad
iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka
Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo
Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa darteed
dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo fiiriyo
dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.
Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.
Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka
iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah
su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda bulshada.
Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa Somaliland,
haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn
meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga
siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.
Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya
Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la
isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si kale
haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?
Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex
jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka
sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg ahna loo baahdo. Marka ay
xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo qeybsanayaa?
Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu
oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa Kooxdu uu
ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda
lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka ama afgaradka
ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma
heshiin.
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli waxaa taagan
su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya
1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda.
Biseylkeedii ma leennahay?
Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle,
halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan
gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in
duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo.
Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo
Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah
Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay
faraha la gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah ee dayaaradaha
yaryar ku duulaya joogga gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu ku
hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka (VFR – Visual Flight Rules)?
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u
socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali
hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u
soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan heshiisyo ka sii
muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid uun la isku
afgarto.
F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana
ku kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee
Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland
Qalinkii:Yuusuf-Garaad
Shacabkamedia-Beyra-Puntland
Runta Kama-Xıshoono
Email:Shacabkamedia@live.com
|
No comments:
Post a Comment