Sunday 14 July 2013

Somalia - Wararkii Maanta



Point of View: Sporting spectacle on the piazzaCalcio storico game, 2003
The Ashes are under way in England, but another historic sporting battle is fought out every year in Florence - an ancient no-holds-barred ball game played in one of the city's most famous piazzas, as writer Sarah Dunant explains.
Britain is a happy nation this week. The sun has shone and we've won a major sporting tournament.
I say we, because although obviously our new national hero did the physically gruelling bit, we've had our own work-out too. Tennis - like cricket, football, athletics, etc - may be a game, but it's only a sport when you have spectators to amplify the contest. Pumping the energy, riding the adrenaline spikes, aggression, exhilaration, outrage, even the occasional increased heart rate as we leap up from our sofa.
At the end, triumph or failure. With luck and without immediate access to too much alcohol, both sides can enjoy the catharsis of all emotion spent. Thus in theory, throughout history, sport has proved a creative alternative to our recurring tendency to kill each other.
Which brings me to Florence, where I work part of the year and where we're also recovering from annual sporting therapy, in this case a much less gentlemanly ball game that takes place in a giant sandpit in the middle of the city.
--Egypt investigating complaints against ousted MorsiPro-Morsi protest in Cairo, Egypt (9 July 2013) Mr Morsi's supporters have been staging protests demanding his return to office Continue reading the main story
Egypt's public prosecutor's office says it is investigating complaints against ousted President Mohammed Morsi and members of the Muslim Brotherhood.
They include spying, inciting killing protesters, attacking military barracks and damaging the economy. It did not say who had filed the complaints.
Mr Morsi was deposed by the army on 3 July. The US has called for his release from detention at an unknown location.
Egypt's interim leader Adly Mansour has promised new elections early next year.
Dozens of people have died in clashes during major demonstrations by pro- and anti-Morsi protesters in the past few weeks.
--France marks Bastille Day amid train crash aftermathOn 13 July engineers inspect the wreckage of a train that crashed a Bretigny-sure-Orge station in France  The rail company says two rails had become detached outside the station
France is preparing to mark Bastille Day as investigations continue into the country's worst rail disaster for 25 years.
Six people were killed when a train derailed at Bretigny-sur-Orge, south of Paris, at 17:14 (15:14 GMT) on Friday.
The French train operator SNCF says the crash may have been caused by a fault on the tracks.
The French president is expected to call for solidarity in a traditional Bastille Day broadcast on Sunday.
Francois Hollande will give a series of television interviews as workers continue to inspect the wreckage.
French President Francois Hollande speaks to victims of a train crash in Bretigny-sur-Orge Francois Hollande, who visited the crash site on Friday, will give a traditional Bastille Day address
A large crane arrived at the site on Saturday evening to lift away the remains of carriages, and to find out whether there are still bodies lying beneath.
French media are reporting that it could still take a number of days to clear the derailed cars.
--UK soldier and veteran suicides 'outstrip Afghan deaths'Dan Collins After serving in Afghanistan, L/Cpl Dan Collins was diagnosed with post-traumatic stress disorder Continue reading the main story
More British soldiers and veterans took their own lives in 2012 than died fighting the Taliban in Afghanistan over the same period.
The BBC's Panorama programme has learned 21 serving soldiers killed themselves last year, along with 29 veterans.
The Afghanistan death toll was 44, of whom 40 died in action.

Some of the soldiers' families say the men did not get enough support. The MoD said every suicide was a "tragedy".
The BBC's Panorama programme obtained the figure of 21 through a Freedom of Information request to the Ministry of Defence.
Seven serving soldiers have been confirmed as having killed themselves last year, and inquests are pending for a further 14 deaths where suicide is suspected.
The British government, unlike its American counterpart, does not record the suicide rate among ex-soldiers.
But Panorama has independently established that at least 29 veterans took their own lives in 2012.
It wrote to every coroner in the country to ask for the names of soldiers and veterans who killed themselves last year and also analysed newspaper reports of coroners' inquests.
KASHIFAAD: Siyaasiyiin caan ka ah Somalia oo Nairobi ku qabanaya shir ka dhan ah DF + Magacyadooda
 Posted by Alaxmed on 07/14/2013 in Wararka | 0 Comment
 shir ay isugu imaanayaan siyaasiyiin si weyn uga soo horjeed siyaasada dowlada Xasan Shiikh iyo Saacid Farax Garaad ayaa waxaa lagu wadaa inuu habeen danbe lagu qabto magaalada Nairobi.
Dhinacyada isugu imaanaya shirkaasi ayaa kala ah Puntland, Ahlusuna, Jubaland, Galmudug iyo siyaasiyiinta kala ah Shiikh Shariif Shiikh Ahemd, Ali Khaliif Galeyr. Ali Maxamed Geedi, Cumar Abdirashiid , Yusuf Garaad Cumar,Dr, Abdirahmaan Baadiyow, Ahmed Madoobe, Awlibaax, Ahmed Fiqi, Maxamed Darwiiskh iyo qaar kale oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo horjeeda siyaasada madaxweyne Xasan Shiikh iyo Saacid Faarax Garaad. Halkan Ka aqri warbixinta oo dhameystiran
Shabaabka oo shaaciyay Magaca ninka ugu sareeya Sirdoonka Mareykanka ee ku sugan Muqdisho oo shalay la dhaawacay
Afhayeenka  maleeshiyada Al-Shabaab ninka lagu magacabo Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar is qarxin ah oo shalay (Jimco ahayd) kooxdiisa ka geystay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho weerarkaas oo lala beegsaday kolonyo baabuurta Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Magaalada Muqdisho.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas bartimaameedkiisu ahaa waa sida hadalka u dhigay Sarkaal ka tirsan CIA da Mareykanka, waxaa kaloo uu sheegay in ninkan la beegsaday oo magaciisa la yiraahdo Gray Schroen.
Waxaa uu leeyahay Cali Dheere muddo badan ayaan ku raad joogan xogta ku saabsan sarkaalka bartimaameedku ahaa waxaa uu sheegaya afhayeenka shabaab in ninkan uu ka soo shaqeeyay wadamada Afghanistaan iyo Pakistaan.
Afhayeenka shabaab waxaa uu leeyahay ujeedada weerarkaas waa la gaaray Madaxii Sirdoonka Mareykanka ee la beegsadayna waxaa soo gaaray dhaawac culus waa sida uu yiri Cali Dheere.
Ilaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya, Ciidamada Midowga Afrika iyo Sirdoonka reer galbeedka ee fadhigooda yahay degaanka xalane midna kama hadlin sheegashada al shabaab ee ah in weerarkii shalay ka dhacay agagaarka KM4 lagu dhaawacay Sarkaal sare oo Mareykan ah.
Weerarkaas ayaa inta la ogsoon yahay waxaa ku dhintay dad rayid ah oo wadada marayay kuwaas oo tiradooda gaaraysay 5 ruux.


 HOOYADA DHASHAY AXMED MADOOBE OO MAANTA LAGU AASAY NAIROBI
Yusur C/lle waa Hooyada dhashay Axmed Madoobe oo hogaamiya maleeshiyada Raaskanbooni maanta ayay ku geeriyootay Magaalada Nairobi ee dalka kenya iyadoo isla maantana lagu aasay magaaladaas.Waxaa ka qeybgalay aaska Marxuumada Labo ka mid ah Ra’iisal Wasaarayaashii soo maray Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Safiirka Soomaaliya kenya u fadhiya Maxamed Cali America ,Xubno uu ka mid yahay Yuusuf Garaad, Prof Gandhi iyo xubno kale
10 qof oo lagu xiray Afgooye
Ku dhowaad toban qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii miino lala eegtay gaari booyad ah oo ay leedahay AMISOM oo marayay bar-koontarool oo ku taalla Baar Ismaaciil oo ku yaalla degmada Afgooye.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay miinada.
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkan howlgallo ka sameynayay gobolka Banaadir iyo deegaanno kale, kuwaas oo lagu xoojinayay ammaanka.
Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Xaflad Sagootin Ah London Loogu Sameeyey “SAWIRRO”
Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xaflad sagootin ah u sameeyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay boqortooyada Ingiriiska.
Xafladdan sagootinta ah oo aheyd mid si heer sare ah ay usoo qaban qaabiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa aheyd sidoo kale Afur Sharafeed ay Jaalliyaddu ku sagootinaysay Wafdiga Sare ee uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayadoo xafladana ay kasoo qeybgaleen Waxgaradka,aqoonyahannada,dhalinyarada iyo Haweenka Soomaaliyeed ee London ku dhaqan kuwaasi oo iyagu si aad ah ugu faraxsanaa iney la kulmaan wafdigan ka socday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London oo xafladda khudbaddo ka jeediyey ayaa si isku mid ah u xisay iney aad ugu faraxsanyihiin kulankan ballaaran ee ay Jaalliyaddu la qaadatay Wafdigan ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka waxaana ay xubnihii u hadlay Jaalliyadda si isku mid ah u ammaaneen qaabka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya ayagoo sidoo kalena goobta kasoo jeediyey tallooyin ay jecelyihiin iney ku kordhiyaan Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka jeedisay ayaa aad uga mahad celisay guud ahaanba Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska sidii ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale Xildhibaannadu ammaantay sida ay Jaalliyadda ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska u garab taaganyihiin Dowladooda.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo Xafladda ugu dambeyn khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Britian sida wanaagsan ee ay Wafdiga uu hogaaminayey ugu soo dhaweeyeen dalka Ingiriiska waxaana uu dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda u faah faahiyey isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha iyo himilooyinka uu hiigsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay dhalinyarada, kuna dhiirageliyay inay nabadda ka qeyb qaataan (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa galabta kulan ballaaran la qaatay dhalinyaro tiradoodu gaareyso 250 isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo ka kala socday ururada dhalinyarada, ardayda Jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa looga gol lahaa in lagu dhegeysto aragtida dhalinyarada iyo dowrka kaga aadan nabadda iyo horumarinta dalka, kaasoo hal ku dheg looga dhigay kulanka maanta, sidoo kalena loogu gudbiyo fariinta dawladda, waxaana ku wehliyay kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Wasiirka Horumarinta Adeegga bulshada Drs. Maryam Khaasim.
Dhalinyaradan ayaa ka hadlay xaaladda ay dhalinyarada ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay qeyb ka qaataan dib u soo celinta nabadda iyo horumarinta dalka, iyaga oo dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka isla markaana fursado loo abuuro.
Ajaanib lala xiriiriyay al-Shabaab oo Kenya lagu maxkamadeeyay
Saddex nin oo ajaanib ah oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab ayaa Kenya loogu maxkamadeeyay eedeyn la xiriirta inay si sharci darro ah dalka ku galeen.
Saddexda nin oo labo ay u dhalatay Faransiiska iyo mid Belgium u dhashay ayaa horey eedeymo la xariira argagixisanimo loogu heysatay Belgium, waxayna Kenya rumeysan tahay in saddexdooduba ay ka soo galeen dhinaca Soomaaliya.
Saddexda nin ayay maxkamad qaadiga ee Kenya ay ku xakuntay min sanad xarig ah, iyadoo aanay maxkamaddu caddeyn in inta ay xabsigooda ka dhameysanayaan ay Kenya heyneyso iyo in Belgium lagu wareejinayo si loo amba-qaado dacwadda argagixisanimo ee loo heysto.
Hussein Omar iyo Ahmed Omar oo Kenya u dhashay oo loo heystay inay gabbaad-siinayeen saddexda nin ayay maxkamaddu dammaanad ku sii daysay, waxaanay dacwaddooda dib u furmeysaa sagaalka bisha September.
Ajaanib badan ayaa marin ka dhigta dalka Kenya si ay qeyb uga noqdaan maleeshiyada al-Shabaab oo xiriir la leh ururka argagixisada caalamiga ah ee al-Qaacidda.
 Muqdisho iyo dilal qorsheysan: Wiilka shaqsi caan ah iyo shan qof oo kale oo xalay kaliya la dilay (Warbixin)
Wiil dhalinyaro ah oo dhawaan ka qalin jabiyay sida la sheegay Dugsiga sare kana mid ahaa ciidamada nabad Sugiiddaa Soomaaliya, ayaa lugu dilay xalay magaalada Muqdisho ee  caasiamdda Soomaaliya .
Dilka waxa geystay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn , ruuxa la dilay ayaa lagu magacaayay  C/fataax Maxamed Xuseen, waxaana la sheegayaa in aabaha dhalay wiilka uu yahay taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya .
Agagarka Saldhigga degmada Wadajir, ayaa la sheegayaa inuu dilkaasi ka dhacay , waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ,inkastoo kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen  goobta .
Dhanka kale Ku dhawaad shan ruux, ayaa lagu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo waramayaa in labo kamid ah dadkaasi ay ahaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo anfur ka iibsanay meel ku dhow isbitaalka degmada Dayniile.
Dilka dadkan waxaa xaqiijiyay gudoomiyaha degmadaasi Xiireey Muxidiin Cumar, iagoo sheegay in dadkan la dilay gabaldhicii  shalay inkastoo warkan uu saaka soo shac baxay maamulkana uu qiray.
Wuxuu sheegay in saaka degmada ay ka soconayan barintaano ay ku xaqiijinayan ammanka degmada si looga hortago dadka falalka dhibaatada ah ka geysana degmadaasi Deyniile , isagoo sheegay ilaa inta ay ka xaqiijinyan ammanka ay howlgaladu sii socondoonaan.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxa maal mahan kusoo laabtay falalka dilalka ah waxaana Muqdisho maalma ka hor ay aheyd mid xasilan inkastoo xilliyada qaar ay wax ka dhicijieer waxaase iminka muuqanaya dulduleelo badan.
GAARISA oo la wada farxay, kadib guul usoo hoyatay magaalada lagana helay Shidaal.
Nairobi (Caasimada Online) - Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa ka socda farxad iyo dabaal deg, kadib markii guul dhinaca dhaqaalaha ay halkaasi kasoo muuqatay.
Shirkad laga lee yahay dalka Canada, oo lagu magacaabo Vanoil Energy ayaa shidaal ka heshay magaalada, taasi oo ka dhigi doonta mid hodan ah.
Shidalaka ayaa waxaa laga helay deegaanka Modagashe ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Gaarissa iyo Isiyoolow.
Helitaanka Saliidda ka sokow, waxaa shirkadda laga lee yahay dalka Canada ay shaaca ka qaaday in saliidda laga helay Gaarissa ay tahay tan ugu badan ee illaa iyo hadda dalka Kenya laga shaac qaaday.
Tani waxa ay is-beddel weyn kusoo kordhin doontaa Gaarissa, ayada oo shaqo u abuuri doonta dad badan.
 Guddoomiyaha Gaarissa Nadhif Jaamac ayaa guul ku tilmaamay tallaabadan soona dhoweeyey, waxa uuna ballan qaaday inuu qof kasta oo deggan magaalada ka faa’iideysan doono.
Najma Isma’il oo ka tirsan Taleefishinka KTN ayaa warbixintan kasoo dirtay Gaarissa
Wasaaradda Ganacsiga Oo Xariga Ka Jartay Qorshe Maalgelin ah Oo Ay Waddo Mid Kamid Ah Shirkadaha Ka Howlgala Muqdisho “Sawirro”
Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukumadda Soomaaliya  oo ka qeyb galay munaasabad cariga looga jarayey bandhig ay sameynaysay mid kamid ha shirkadaha maalgashiga kawada gudaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga bulshada Somaliyeed ay kawadaan dalka.
Sidoo kale waxaa mada sha goob joog ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka badda Xildhibaanno iyo aqoonyahanno kale kuwaasi oo sheegey in talaabada ay qaaday shirkadan oo lagu magacaabo Nationwide iyo danuube ay tahay mid wax badan ku soo kordhin karta in bulshada Soomaaliyeed laga haqab tiro baahiyaha ay u aadi jireen dalka dibediisa.
Axmed Xasan Cali oo ah maamulaha xaruuntaasi ayaa sheegay in qorshahaani cusub uu ku soo kordhin karo dalka horumarka aad u wanaagsan, isagoo intaa ku daray in ay dhiirigelinayso shirkadaha kale ee danaynaya inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya.


 Mas’uul caan ka ahaa Somalia oo caawa lagu dhex dilay Masjid
Allaha u naxaristee Cabdi Farax oo ahaa Xiriiriyaha Ha’yadda isku xirka nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA xafiiskeeda Puntland ayaa caawa lagu dilay magalada Galkacayo, kadib markii koox hubaysan oo aan la garanayn ay rasaas ku dhuften xilli uu kasoo baxay Salaadii Cisho masjid u dhowaa gurigiisa.
Kooxaha falkan geystay oo heyntooda la garaneyn ayaa baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeynsa dilka mas’uulkan.
Cabdi Faraax oo ayaa Ha’yadda INXA u qaabilsanaa deegaanada Puntland, wuxuu sidoo kele ka mid ahaa guddi 9 xubnood oo loo soo xulay kormeerida doorashooyinka Puntland ka dhici doona.
Isla Todobaadkan waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaaladaasi kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Qaran.
Kulun xasaasi oo maanta ka dhacay madaxtooyada Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa wuxuu kuqaabilay guddi dowladda Soomaaliya u qaalibsan diyaarinta shirka Brussels ee 16ka September 2013, ee loo yaqaan New Deal, Waxaana kulanka xaadir ku ahaa xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa ka dalbaday guddiga qaban qaaada shikaasi inay si heer sare ah ay u diyaariyaan dhamaan Document-yada iyo ajandayaasha shirkaasi ay la hortageyso dowladda Soomaaliya, shacabkana latashi ay la sameeyaan ,si shirkasi ay uga soo baxaan waxyaabo miradhal ah ,
“Waa in isbedel dhab ah uu ka muuqdaa hab-dhaqanka dowliga ah oo maanta oo aan heysanno dowlad rasmi ah waa in qorsheyaasha la idiin igmaday ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad si heer sare ah isu abaabushaan si shirkaas uu u noqdo mid guuleysto” ayuu yiri madaxweyne xasan sheek
“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahanyahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo, iyadoo la tixgalinayo duruufaha qaaska ah ee gobollada qaarkood, Waana in guddiga uu si joogta ah u wargeliyaa shacabka si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u sugayaan.”ayuu hadalkiisa sii racsiiyay madaxweynaha soomaaliya
Wasiirka Maaliyadda & Qorsheyna Qaranka oo guddiga madax ka ahaa ayaa u ballanqaaday madaxweynaha inay dadaalayaan oo qorsheyaasha qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyey hay’adihii maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay kalsooni buuxda ugu qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.
16ka September ee sanadkan, waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium ka furmi doona shir looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya kaasi oo sida la tilmaamay dhaqaalo loogu uruurinayo Soomaaliya.
 Faroole oo dacwad ka dhan ah dastuurka Somalia u gudbiyey QM
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 13 July,2013 xarunta madaxtoyada Garowe ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Ambassador Nicholas Kay.
Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa garoonka diyaardaha Garowe ku soo dhoweeyay wafdiga Kay ,waxana hogaaminayay wasiirka maaliyada Faarax Cali Jaamac ,wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf Cade iyo wasiirka gaadiidka Eng.Daahi Xaaji Khaliif.
Ka dib kulan saacado qaatay ayay labada masuul si wadajir ah saxaafada ula hadleen ,waxana lagu soo hadal qaaday mawduuucyo ay ka mid ahaayen doorashooyinka deegaanka ee dhowaan ka dhacaya Puntland, Wax ka bedelka Dastuurka DF,Dhibaatada shilinka Somaliga ,Cunaqabadaynta hubka iyo heshiiska DF & Somaliland ee hawada oo ay ku galeen Turkiga.
Madaxweyne Farole ayaa shacabka ugu baaqay inay doorashooyinka u soo baxaan ,ayna u codeeyaan isbedelka si nabadgelyo iyo dimoqraadi ah ,isagoona raacshay inaysan muhiim ahayn cida loo codaynayo balse muhiimadu tahay in laga gudbo habkii hore.
”Somalia waa in dib loo soo celiyaa dastuurkeedi ka hor intaan xeerar kale la gudbin ama dib u eegis loogu samayn” ayuu yiri Farole oo ka hadlayay dastuurka Federalka Somalia.
Dib u dhiska Maamulada dalka iyo xiriirka Puntland iyo DF ayuu xusay inay ka wada hadleen Mr.Kay oo uu raaciyay inay intii macquul ah u tanaasuli doonaan DF.
 Dhankiisa ayaa madaxa xafiiska UNSOM Amb.Nicholas Kay bogaadiyay horumarka iyo nabadgelyada Puntland ay ku talaabsatay ,isagoona sidoo kale ugu hanbalyeeyay doorashooyinka soo socda ee degaanka.
”Qaramada Midoobay qayb kama aha doorashooyinka Puntland,balse waxaan soo dhoweynaynaa isbedelka siyaasadeed” ayuu yiri Kay.
Waa booqashadiisi ugu horeysay Puntland tan iyo markii uu shaqada Dr.Mahiga kala wareegay 03 June,2013.
Booqasho labo maalin ah ayuu ku joogi doona Puntland Mr.Kay oo xariga ka jari doona mashruuc UNDP ku taageereyso garsoorka Puntland.






No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...