Point of View: Sporting spectacle on
the piazzaCalcio storico game, 2003
The Ashes are under way in England,
but another historic sporting battle is fought out every year in Florence - an
ancient no-holds-barred ball game played in one of the city's most famous
piazzas, as writer Sarah Dunant explains.
Britain is a happy nation this week.
The sun has shone and we've won a major sporting tournament.
I say we, because although obviously
our new national hero did the physically gruelling bit, we've had our own
work-out too. Tennis - like cricket, football, athletics, etc - may be a game,
but it's only a sport when you have spectators to amplify the contest. Pumping
the energy, riding the adrenaline spikes, aggression, exhilaration, outrage,
even the occasional increased heart rate as we leap up from our sofa.
At the end, triumph or failure. With
luck and without immediate access to too much alcohol, both sides can enjoy the
catharsis of all emotion spent. Thus in theory, throughout history, sport has
proved a creative alternative to our recurring tendency to kill each other.
Which brings me to Florence, where I
work part of the year and where we're also recovering from annual sporting
therapy, in this case a much less gentlemanly ball game that takes place in a
giant sandpit in the middle of the city.
--Egypt investigating complaints
against ousted MorsiPro-Morsi protest in Cairo, Egypt (9 July 2013) Mr Morsi's
supporters have been staging protests demanding his return to office Continue
reading the main story
Egypt's public prosecutor's office
says it is investigating complaints against ousted President Mohammed Morsi and
members of the Muslim Brotherhood.
They include spying, inciting
killing protesters, attacking military barracks and damaging the economy. It
did not say who had filed the complaints.
Mr Morsi was deposed by the army on
3 July. The US has called for his release from detention at an unknown
location.
Egypt's interim leader Adly Mansour
has promised new elections early next year.
Dozens of people have died in
clashes during major demonstrations by pro- and anti-Morsi protesters in the
past few weeks.
--France marks Bastille Day amid
train crash aftermathOn 13 July engineers inspect the wreckage of a train that
crashed a Bretigny-sure-Orge station in France The rail company says two
rails had become detached outside the station
France is preparing to mark Bastille
Day as investigations continue into the country's worst rail disaster for 25
years.
Six people were killed when a train
derailed at Bretigny-sur-Orge, south of Paris, at 17:14 (15:14 GMT) on Friday.
The French train operator SNCF says
the crash may have been caused by a fault on the tracks.
The French president is expected to
call for solidarity in a traditional Bastille Day broadcast on Sunday.
Francois Hollande will give a series
of television interviews as workers continue to inspect the wreckage.
French President Francois Hollande
speaks to victims of a train crash in Bretigny-sur-Orge Francois Hollande, who
visited the crash site on Friday, will give a traditional Bastille Day address
A large crane arrived at the site on
Saturday evening to lift away the remains of carriages, and to find out whether
there are still bodies lying beneath.
French media are reporting that it
could still take a number of days to clear the derailed cars.
--UK soldier and veteran suicides
'outstrip Afghan deaths'Dan Collins After serving in Afghanistan, L/Cpl Dan
Collins was diagnosed with post-traumatic stress disorder Continue reading the
main story
More British soldiers and veterans
took their own lives in 2012 than died fighting the Taliban in Afghanistan over
the same period.
The BBC's Panorama programme has
learned 21 serving soldiers killed themselves last year, along with 29
veterans.
The Afghanistan death toll was 44,
of whom 40 died in action.
Some of the soldiers' families say
the men did not get enough support. The MoD said every suicide was a
"tragedy".
The BBC's Panorama programme
obtained the figure of 21 through a Freedom of Information request to the
Ministry of Defence.
Seven serving soldiers have been
confirmed as having killed themselves last year, and inquests are pending for a
further 14 deaths where suicide is suspected.
The British government, unlike its
American counterpart, does not record the suicide rate among ex-soldiers.
But Panorama has independently
established that at least 29 veterans took their own lives in 2012.
It wrote to every coroner in the
country to ask for the names of soldiers and veterans who killed themselves
last year and also analysed newspaper reports of coroners' inquests.
KASHIFAAD: Siyaasiyiin caan ka ah
Somalia oo Nairobi ku qabanaya shir ka dhan ah DF + Magacyadooda
Posted by Alaxmed on
07/14/2013 in Wararka | 0 Comment
shir ay isugu imaanayaan siyaasiyiin
si weyn uga soo horjeed siyaasada dowlada Xasan Shiikh iyo Saacid Farax Garaad
ayaa waxaa lagu wadaa inuu habeen danbe lagu qabto magaalada Nairobi.
Dhinacyada isugu imaanaya shirkaasi
ayaa kala ah Puntland, Ahlusuna, Jubaland, Galmudug iyo siyaasiyiinta kala ah
Shiikh Shariif Shiikh Ahemd, Ali Khaliif Galeyr. Ali Maxamed Geedi, Cumar
Abdirashiid , Yusuf Garaad Cumar,Dr, Abdirahmaan Baadiyow, Ahmed Madoobe,
Awlibaax, Ahmed Fiqi, Maxamed Darwiiskh iyo qaar kale oo ka mid ah
xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo horjeeda siyaasada madaxweyne Xasan Shiikh
iyo Saacid Faarax Garaad. Halkan Ka aqri warbixinta oo dhameystiran
Shabaabka oo shaaciyay Magaca ninka
ugu sareeya Sirdoonka Mareykanka ee ku sugan Muqdisho oo shalay la dhaawacay
Afhayeenka maleeshiyada
Al-Shabaab ninka lagu magacabo Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa
faahfaahin ka bixiyay weerar is qarxin ah oo shalay (Jimco ahayd) kooxdiisa ka
geystay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho weerarkaas oo lala beegsaday
kolonyo baabuurta Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Magaalada Muqdisho.
Cali Dheere ayaa sheegay in
weerarkaas bartimaameedkiisu ahaa waa sida hadalka u dhigay Sarkaal ka tirsan
CIA da Mareykanka, waxaa kaloo uu sheegay in ninkan la beegsaday oo magaciisa
la yiraahdo Gray Schroen.
Waxaa uu leeyahay Cali Dheere muddo
badan ayaan ku raad joogan xogta ku saabsan sarkaalka bartimaameedku ahaa waxaa
uu sheegaya afhayeenka shabaab in ninkan uu ka soo shaqeeyay wadamada
Afghanistaan iyo Pakistaan.
Afhayeenka shabaab waxaa uu leeyahay
ujeedada weerarkaas waa la gaaray Madaxii Sirdoonka Mareykanka ee la
beegsadayna waxaa soo gaaray dhaawac culus waa sida uu yiri Cali Dheere.
Ilaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya,
Ciidamada Midowga Afrika iyo Sirdoonka reer galbeedka ee fadhigooda yahay
degaanka xalane midna kama hadlin sheegashada al shabaab ee ah in weerarkii
shalay ka dhacay agagaarka KM4 lagu dhaawacay Sarkaal sare oo Mareykan ah.
Weerarkaas ayaa inta la ogsoon yahay
waxaa ku dhintay dad rayid ah oo wadada marayay kuwaas oo tiradooda gaaraysay 5
ruux.
HOOYADA DHASHAY AXMED MADOOBE
OO MAANTA LAGU AASAY NAIROBI
Yusur C/lle waa Hooyada dhashay
Axmed Madoobe oo hogaamiya maleeshiyada Raaskanbooni maanta ayay ku geeriyootay
Magaalada Nairobi ee dalka kenya iyadoo isla maantana lagu aasay
magaaladaas.Waxaa ka qeybgalay aaska Marxuumada Labo ka mid ah Ra’iisal
Wasaarayaashii soo maray Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid
Safiirka Soomaaliya kenya u fadhiya Maxamed Cali America ,Xubno uu ka mid yahay
Yuusuf Garaad, Prof Gandhi iyo xubno kale
10 qof oo lagu xiray Afgooye
Ku dhowaad toban qof oo lagu
tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay
howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ka sameeyeen
degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii
miino lala eegtay gaari booyad ah oo ay leedahay AMISOM oo marayay
bar-koontarool oo ku taalla Baar Ismaaciil oo ku yaalla degmada Afgooye.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay
miinada.
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkan
howlgallo ka sameynayay gobolka Banaadir iyo deegaanno kale, kuwaas oo lagu
xoojinayay ammaanka.
Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka
Iyo Wafdigiisa Oo Xaflad Sagootin Ah London Loogu Sameeyey “SAWIRRO”
Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xaflad sagootin ah u sameeyey
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad
Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay boqortooyada
Ingiriiska.
Xafladdan sagootinta ah oo aheyd mid
si heer sare ah ay usoo qaban qaabiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa
aheyd sidoo kale Afur Sharafeed ay Jaalliyaddu ku sagootinaysay Wafdiga Sare ee
uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad
Cabdalla Cawad ayadoo xafladana ay kasoo qeybgaleen
Waxgaradka,aqoonyahannada,dhalinyarada iyo Haweenka Soomaaliyeed ee London ku
dhaqan kuwaasi oo iyagu si aad ah ugu faraxsanaa iney la kulmaan wafdigan ka
socday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Jaalliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London oo xafladda khudbaddo ka jeediyey
ayaa si isku mid ah u xisay iney aad ugu faraxsanyihiin kulankan ballaaran ee
ay Jaalliyaddu la qaadatay Wafdigan ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ee uu
hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka waxaana ay xubnihii u
hadlay Jaalliyadda si isku mid ah u ammaaneen qaabka uu xiligan u shaqeynayo
Baarlamaanka Soomaaliya ayagoo sidoo kalena goobta kasoo jeediyey tallooyin ay
jecelyihiin iney ku kordhiyaan Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dowladda
Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda
Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta Baarlamaanka
Soomaaliya Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka
jeedisay ayaa aad uga mahad celisay guud ahaanba Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Ingiriiska sidii ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale
Xildhibaannadu ammaantay sida ay Jaalliyadda ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska
u garab taaganyihiin Dowladooda.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo Xafladda ugu
dambeyn khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee
Britian sida wanaagsan ee ay Wafdiga uu hogaaminayey ugu soo dhaweeyeen dalka
Ingiriiska waxaana uu dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda u faah
faahiyey isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha iyo himilooyinka uu
hiigsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay dhalinyarada,
kuna dhiirageliyay inay nabadda ka qeyb qaataan (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa
galabta kulan ballaaran la qaatay dhalinyaro tiradoodu gaareyso 250 isugu jiray
rag iyo dumar, kuwaasoo ka kala socday ururada dhalinyarada, ardayda
Jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa looga gol lahaa in
lagu dhegeysto aragtida dhalinyarada iyo dowrka kaga aadan nabadda iyo
horumarinta dalka, kaasoo hal ku dheg looga dhigay kulanka maanta, sidoo kalena
loogu gudbiyo fariinta dawladda, waxaana ku wehliyay kulanka Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane
Cabdixakiin Faqi iyo Wasiirka Horumarinta Adeegga bulshada Drs. Maryam Khaasim.
Dhalinyaradan ayaa ka hadlay
xaaladda ay dhalinyarada ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin
inay qeyb ka qaataan dib u soo celinta nabadda iyo horumarinta dalka, iyaga oo
dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka isla
markaana fursado loo abuuro.
Ajaanib lala xiriiriyay al-Shabaab
oo Kenya lagu maxkamadeeyay
Saddex nin oo ajaanib ah oo la
tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab ayaa Kenya loogu
maxkamadeeyay eedeyn la xiriirta inay si sharci darro ah dalka ku galeen.
Saddexda nin oo labo ay u dhalatay
Faransiiska iyo mid Belgium u dhashay ayaa horey eedeymo la xariira
argagixisanimo loogu heysatay Belgium, waxayna Kenya rumeysan tahay in
saddexdooduba ay ka soo galeen dhinaca Soomaaliya.
Saddexda nin ayay maxkamad qaadiga
ee Kenya ay ku xakuntay min sanad xarig ah, iyadoo aanay maxkamaddu caddeyn in
inta ay xabsigooda ka dhameysanayaan ay Kenya heyneyso iyo in Belgium lagu
wareejinayo si loo amba-qaado dacwadda argagixisanimo ee loo heysto.
Hussein Omar iyo Ahmed Omar oo Kenya
u dhashay oo loo heystay inay gabbaad-siinayeen saddexda nin ayay maxkamaddu
dammaanad ku sii daysay, waxaanay dacwaddooda dib u furmeysaa sagaalka bisha
September.
Ajaanib badan ayaa marin ka dhigta
dalka Kenya si ay qeyb uga noqdaan maleeshiyada al-Shabaab oo xiriir la leh
ururka argagixisada caalamiga ah ee al-Qaacidda.
Muqdisho iyo dilal qorsheysan:
Wiilka shaqsi caan ah iyo shan qof oo kale oo xalay kaliya la dilay (Warbixin)
Wiil dhalinyaro ah oo dhawaan ka
qalin jabiyay sida la sheegay Dugsiga sare kana mid ahaa ciidamada nabad
Sugiiddaa Soomaaliya, ayaa lugu dilay xalay magaalada Muqdisho ee
caasiamdda Soomaaliya .
Dilka waxa geystay kooxo hubeysan oo
aan la garaneyn , ruuxa la dilay ayaa lagu magacaayay C/fataax Maxamed
Xuseen, waxaana la sheegayaa in aabaha dhalay wiilka uu yahay taliyaha
ciidamada Asluubta Soomaaliya .
Agagarka Saldhigga degmada Wadajir,
ayaa la sheegayaa inuu dilkaasi ka dhacay , waxaana durba goobta soo gaaray
ciidamada dowladda Soomaaliya ,inkastoo kooxihii dilka geystay ay ka
baxsadeen goobta .
Dhanka kale Ku dhawaad shan ruux,
ayaa lagu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo
waramayaa in labo kamid ah dadkaasi ay ahaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya,
kuwaasi oo anfur ka iibsanay meel ku dhow isbitaalka degmada Dayniile.
Dilka dadkan waxaa xaqiijiyay
gudoomiyaha degmadaasi Xiireey Muxidiin Cumar, iagoo sheegay in dadkan la dilay
gabaldhicii shalay inkastoo warkan uu saaka soo shac baxay maamulkana uu qiray.
Wuxuu sheegay in saaka degmada ay ka
soconayan barintaano ay ku xaqiijinayan ammanka degmada si looga hortago dadka
falalka dhibaatada ah ka geysana degmadaasi Deyniile , isagoo sheegay ilaa inta
ay ka xaqiijinyan ammanka ay howlgaladu sii socondoonaan.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxa maal
mahan kusoo laabtay falalka dilalka ah waxaana Muqdisho maalma ka hor ay aheyd
mid xasilan inkastoo xilliyada qaar ay wax ka dhicijieer waxaase iminka
muuqanaya dulduleelo badan.
GAARISA oo la wada farxay, kadib
guul usoo hoyatay magaalada lagana helay Shidaal.
Nairobi (Caasimada Online) -
Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa ka socda farxad
iyo dabaal deg, kadib markii guul dhinaca dhaqaalaha ay halkaasi kasoo
muuqatay.
Shirkad laga lee yahay dalka Canada,
oo lagu magacaabo Vanoil Energy ayaa shidaal ka heshay magaalada, taasi oo ka
dhigi doonta mid hodan ah.
Shidalaka ayaa waxaa laga helay
deegaanka Modagashe ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Gaarissa iyo Isiyoolow.
Helitaanka Saliidda ka sokow, waxaa
shirkadda laga lee yahay dalka Canada ay shaaca ka qaaday in saliidda laga
helay Gaarissa ay tahay tan ugu badan ee illaa iyo hadda dalka Kenya laga shaac
qaaday.
Tani waxa ay is-beddel weyn kusoo
kordhin doontaa Gaarissa, ayada oo shaqo u abuuri doonta dad badan.
Guddoomiyaha Gaarissa Nadhif
Jaamac ayaa guul ku tilmaamay tallaabadan soona dhoweeyey, waxa uuna ballan
qaaday inuu qof kasta oo deggan magaalada ka faa’iideysan doono.
Najma Isma’il oo ka tirsan
Taleefishinka KTN ayaa warbixintan kasoo dirtay Gaarissa
Wasaaradda Ganacsiga Oo Xariga Ka
Jartay Qorshe Maalgelin ah Oo Ay Waddo Mid Kamid Ah Shirkadaha Ka Howlgala
Muqdisho “Sawirro”
Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ee
Xukumadda Soomaaliya oo ka qeyb galay munaasabad cariga looga jarayey
bandhig ay sameynaysay mid kamid ha shirkadaha maalgashiga kawada gudaha
magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga
bulshada Somaliyeed ay kawadaan dalka.
Sidoo kale waxaa mada sha goob joog
ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka badda
Xildhibaanno iyo aqoonyahanno kale kuwaasi oo sheegey in talaabada ay qaaday
shirkadan oo lagu magacaabo Nationwide iyo danuube ay tahay mid wax badan ku
soo kordhin karta in bulshada Soomaaliyeed laga haqab tiro baahiyaha ay u aadi
jireen dalka dibediisa.
Axmed Xasan Cali oo ah maamulaha
xaruuntaasi ayaa sheegay in qorshahaani cusub uu ku soo kordhin karo dalka
horumarka aad u wanaagsan, isagoo intaa ku daray in ay dhiirigelinayso
shirkadaha kale ee danaynaya inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya.
Mas’uul caan ka ahaa Somalia
oo caawa lagu dhex dilay Masjid
Allaha u naxaristee Cabdi Farax oo
ahaa Xiriiriyaha Ha’yadda isku xirka nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA
xafiiskeeda Puntland ayaa caawa lagu dilay magalada Galkacayo, kadib markii
koox hubaysan oo aan la garanayn ay rasaas ku dhuften xilli uu kasoo baxay
Salaadii Cisho masjid u dhowaa gurigiisa.
Kooxaha falkan geystay oo heyntooda
la garaneyn ayaa baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeynsa dilka mas’uulkan.
Cabdi Faraax oo ayaa Ha’yadda INXA u
qaabilsanaa deegaanada Puntland, wuxuu sidoo kele ka mid ahaa guddi 9 xubnood
oo loo soo xulay kormeerida doorashooyinka Puntland ka dhici doona.
Isla Todobaadkan waxaa magaalada
Gaalkacyo lagu dilay Mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaaladaasi kaasoo
lagu magacaabi jiray Liibaan Qaran.
Kulun xasaasi oo maanta ka dhacay
madaxtooyada Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh
Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa wuxuu kuqaabilay guddi dowladda Soomaaliya u
qaalibsan diyaarinta shirka Brussels ee 16ka September 2013, ee loo yaqaan New
Deal, Waxaana kulanka xaadir ku ahaa xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa ka dalbaday
guddiga qaban qaaada shikaasi inay si heer sare ah ay u diyaariyaan dhamaan
Document-yada iyo ajandayaasha shirkaasi ay la hortageyso dowladda Soomaaliya,
shacabkana latashi ay la sameeyaan ,si shirkasi ay uga soo baxaan waxyaabo
miradhal ah ,
“Waa in isbedel dhab ah uu ka
muuqdaa hab-dhaqanka dowliga ah oo maanta oo aan heysanno dowlad rasmi ah waa
in qorsheyaasha la idiin igmaday ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto
shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad si heer sare ah isu abaabushaan si
shirkaas uu u noqdo mid guuleysto” ayuu yiri madaxweyne xasan sheek
“Qorshaha COMPACT oo aad
diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha
dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la
jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u
baahanyahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala
tashtaa waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo, iyadoo la
tixgalinayo duruufaha qaaska ah ee gobollada qaarkood, Waana in guddiga uu si
joogta ah u wargeliyaa shacabka si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo
qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u
sugayaan.”ayuu hadalkiisa sii racsiiyay madaxweynaha soomaaliya
Wasiirka Maaliyadda & Qorsheyna
Qaranka oo guddiga madax ka ahaa ayaa u ballanqaaday madaxweynaha inay
dadaalayaan oo qorsheyaasha qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana
dib-u-habeyn lagu sameeyey hay’adihii maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay
kalsooni buuxda ugu qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.
16ka September ee sanadkan, waxaa
magaalada Brussels ee dalka Belgium ka furmi doona shir looga hadlayo xaaladda
dalka Soomaaliya kaasi oo sida la tilmaamay dhaqaalo loogu uruurinayo
Soomaaliya.
Faroole oo dacwad ka dhan ah
dastuurka Somalia u gudbiyey QM
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman
Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 13 July,2013 xarunta madaxtoyada Garowe ku
qaabilay ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Ambassador Nicholas Kay.
Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa
garoonka diyaardaha Garowe ku soo dhoweeyay wafdiga Kay ,waxana hogaaminayay
wasiirka maaliyada Faarax Cali Jaamac ,wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf Cade
iyo wasiirka gaadiidka Eng.Daahi Xaaji Khaliif.
Ka dib kulan saacado qaatay ayay
labada masuul si wadajir ah saxaafada ula hadleen ,waxana lagu soo hadal qaaday
mawduuucyo ay ka mid ahaayen doorashooyinka deegaanka ee dhowaan ka dhacaya
Puntland, Wax ka bedelka Dastuurka DF,Dhibaatada shilinka Somaliga
,Cunaqabadaynta hubka iyo heshiiska DF & Somaliland ee hawada oo ay ku
galeen Turkiga.
Madaxweyne Farole ayaa shacabka ugu
baaqay inay doorashooyinka u soo baxaan ,ayna u codeeyaan isbedelka si
nabadgelyo iyo dimoqraadi ah ,isagoona raacshay inaysan muhiim ahayn cida loo
codaynayo balse muhiimadu tahay in laga gudbo habkii hore.
”Somalia waa in dib loo soo celiyaa
dastuurkeedi ka hor intaan xeerar kale la gudbin ama dib u eegis loogu samayn”
ayuu yiri Farole oo ka hadlayay dastuurka Federalka Somalia.
Dib u dhiska Maamulada dalka iyo
xiriirka Puntland iyo DF ayuu xusay inay ka wada hadleen Mr.Kay oo uu raaciyay
inay intii macquul ah u tanaasuli doonaan DF.
Dhankiisa ayaa madaxa xafiiska
UNSOM Amb.Nicholas Kay bogaadiyay horumarka iyo nabadgelyada Puntland ay ku
talaabsatay ,isagoona sidoo kale ugu hanbalyeeyay doorashooyinka soo socda ee
degaanka.
”Qaramada Midoobay qayb kama aha
doorashooyinka Puntland,balse waxaan soo dhoweynaynaa isbedelka siyaasadeed”
ayuu yiri Kay.
Waa booqashadiisi ugu horeysay
Puntland tan iyo markii uu shaqada Dr.Mahiga kala wareegay 03 June,2013.
Booqasho labo maalin ah ayuu ku
joogi doona Puntland Mr.Kay oo xariga ka jari doona mashruuc UNDP ku
taageereyso garsoorka Puntland.
No comments:
Post a Comment