Monday 16 May 2016

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay baarlamaanka Puntland(Sawirro+Cod)


_DSC5041
Garowe-(RBC Radio)-Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdale Cawad oo xalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo gudiga joogta ah ee baarlamaanka Puntland.
Kulanka ay qaaateen Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad iyo baarlamaanka Puntland ayaa ku saabsanaa u diyaar garowga shirka dib u eegista dastuurka ee la filayo inuu 26-ka bishan May ka furmo Magaalada Garoowe.
Markii uu shirku soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo gudoomiye kuxigeenka waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha ay uga wada hadleen kulankooda.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ugu horayn hadalka qaatay ayaa sheegay inay ka wada hadleen gudoomiye kuxigeenka qaban qaabada marti galinta shirka dib u eegista dastuurka waxaana uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada shirkaasi.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa sheegay in uu u yimid u kuur galka qaban qaabada iyo diyaar garowga shirweynaha dib u eegista dastuurka KM ah iyo sida ay ugu diyaar garowday Puntland.
_DSC5053
Mahad Cabdale Cawad ayaa intaa ku daray in waqtiga Baarlamaanka Soomaaliya uu gebo gebo yahay sidaa darteedna loobaahanyahay in la dadajiyo dib u eegista lagu samaynayo dastuurka KM ka,waxaana uu hadalkiisa raaciyey in hadii aan dib u eegis lagu samayn dastuurka ay uu dalku galayo dhibaato dastuur.
Shirka dib u eegista dastuurka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu 26-ka bishaan ka furmo Magaalada Garoowe iyadoona ay kasoo qayb-galayaan dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,shirka dib u eegista dastuurka ayaana qayb ka ah heshiiskii ay 3-April ay wada gaareen dowladda Federalka iyo Puntland.
Halkaan ka dhegeyso codadka shirka jaraa,id.

Audio Player

Hoos ka daawo Sawiradda.

_DSC5028_DSC5031_DSC5034_DSC5035_DSC5041_DSC5042_DSC5043_DSC5046_DSC5048_DSC5050_DSC5053_DSC5054
___

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...