Monday, 8 February 2010

Taliska Milateriga dowladda Somalia oo xoogaga ka horjeeda ku eedeeyey iney dagaalyahano ajnabi ka soo dejiyeen dekeda Ceel Macaan

Afhayeenka ciidamada milateriga dowladda Somalia Aadan Maxamed Nuur Kaalmooy ayaa ku eedeeyey xoogaga ka horjeeda iney dagaalyahano ajnabi ah ka soo dejiyeen dekeda Ceel macaan oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho.

Mr kaalmooy ayaa sheegay in dagaalyahanada ajaaniibta ah ee laga soo dejiyey dekeda Ceel macaan oo gaaraya 170 ay isugu jiraan Itoobiyaan, Oromo iyo Eritreyan, isla markaana ay ka qeyb qaateen dagaaladii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadaasi ajaaniibta ah qaarkood ay xalay gelinkii danbe madaafiic ku rakibteen xaafado ka mid ah Degmada Howlwadaag kadibna ay u qeybiyen jiho walba oo magaalada ka mid ah Xilli ay dadku hurdayeen si loogu eedeeyo ciidamada AMISOM ee saaxiibadood ah tilmaamayna in duqeeyntaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayid ah ee ku noolaa goobaha ay ku dhaceen.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamadaasi ajaaniibta uu ku sheegay ay haatan degan yihiin Ex-warshadii hore ee baastada, mana jiro hadal jawaab u ah eedeeyntaasi oo ka soo baxay dhinaca xoogaga dowlada ka horjeeda, hase ahaatee dhinacyada isku haya magaalada ayaa isku eedeeya isticmaalka ciidamo shisheeye.

Warkan ayaa soo baxaya xili dadka reer Muqdisho intooda badan ay u heystaan in madaafiicda ugu tirda badan uguna xooga weyn ay adeegsadaan ciidamada AMISOM oo ka soo rida inta badan fariimada ay ka joogaan magalada Muqdisho una soo ridaan dhinca ay joogaan ciidamada ka soo horjeeda iyo dadka rayidk ah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...