Monday 8 February 2010

Ciidamadii Milatariga ee la Geeyay Waqooyiga Muqdisho oo maanta ka Baxay aaga Dagaalka

Ciidamadii Milatariga ee la Geeyay Waqooyiga Muqdisho oo maanta ka Baxay aaga Dagaalka kadib Markii ay is faham waa uu soo kala dhexgalay Maleeshiyaad ay isku haybyihiin Madaxweyne shariifka..


Wararka ka imaanaya aagaga Dagaalka oo ay Dowlada Midnimada Qaran maalmahan ku daabulaysay Ciidamada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ciidamadii lagu soo tababarat Jabuuti, Ugandha ay ka baxeen aagaga Dagaalka.


Ka Bixitaanka Ciidamadani ayaa la sheegay in ay Keentay kadib markii Qilaaf aad u Xoogan uu soo dhexgalay Maleeshiyo Beeleedyo ay isku Haybyihiin Madaxweyne shariifka oo halkaasi ku sugan.



Arintaan ayay wararku sheegayaan in qaar ka mid ah Saraakiil uu ka mid yahay Col. Gacma Duule ay soo kala dhexgaleen, haatana la wado waan waan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen aagaga Dagaalka Ciidamadii ka soo baxay.


Qilaafkan ayaa yimid kadib Markii Maleeshiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisho ay diideen in Ciidamada la isku dhafo, taasi oo ay ka Biyo Diideen Saraakiishii Wadatay Ciidamadaasi, ayaga oo ku dhaliilaya Maleeshiyaadkaasi in Dagaalka ay dib uga soo laabtaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...