Tuesday 9 February 2010

DEG DEG: Ciidamo Badan oo katirsan Islaamiyiinta oo Caawa kusoo qul-qulaya magaalada Muqdisho.

Muqdisho (RBC Radio):-War Goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Kumanaan Ciidan ah ay Caawa soo galeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay leeyihiin dhinacyada dowladda KMG ah kasoo jeedo ee Islaamiyiinta ah.

Shabakadda RBC oo Goordhaw xariiro la samaysay deegaanka Lafoole Duleedka magaalada Muqdisho ayaa ogaatay in halkaasi ay soo dhaafeen Kumanaan Arkari oo aad u hubaysan islamarkaana wadooyinka u maraya qaab taxadar leh, Ciidamadan oo aad u farabadan ayaa la sheegay in ay wataan Madaafiic aad uwaaweyn oo ay jiidayaan Gawaarida Xamuulka.

Goob jooge magaciisa ka gaabsaday ayaa RBC u sheegay in Dadku ay Caawa daawanayaan Ciidamadan tirada badane waxaana lasoo wada xusuusta xiligii ay Ciidanka Itoobiya ku safri jireen Ceelasha, Ilo wareedyo ayaa intaas ku daraya in Ciidamadan ay ka yimideen dhulka Fog ee Koonfurta Somalia islamarkaana ay yihiin Ciidamadii Xasan Turki iyo kuwa kale oo ay Tababareen Dagaalayahanada Al Qaacidda ee Shabaab ka Barbar dagaalama.

Xaaladda duleedka ayaa Caawa kacsan waxayna dadku layaabanyihiin Ciidankan tirada badan iyo waxa ay samay doonaan marka ay magaalada Muqdisho soo galaan, wararka ayaa intaas raacinaya in Ciidamadani ay sitaan Calamo Mad Madoow.

Wixii kusoo kordha kala soco RBC Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...