Monday 8 February 2010

50 Askari oo la sheegay in ay kasoo goosteen Dowladda KMG ah oo Goordhaw Muqdisho lagusoo bandhigay.

Waxaa Goordhaw magaalada Muqdisho lagusoo Bandhigay 51 Askari oo lasheegay in ay kasoo goosteen Dowladda Federaalka KMG Somalia dhawaana Tababaro kusoo qaatay dalka Jabuuti.

Munaasabad Goordhaw kusoo Gabagaboowday Magaalada Muqdisho ayaa saxaafadda loogusoo bandhigay Askar farabadan oo ku hubaysan Hubka nuucyadiisa kala gedisan kuwaasi oo la sheegay in ay daacad u ahaayeen dowladda KMG Somalia xilli dowladu dagaal u diyaar Garoowday.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage Cali Dheere oo Goordhaw Saxaafadda kula hadlay Wasaaradii Hore ee G/dhigga ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay ku fashilantay Weeraro ay kusoo qaadi leheed.

Lama xaqiijin karo dhab ahaanta Askartan in ay Dowladda katirsanyihiin laakin waxaa goobta ka hadlay nin sheegtay in uu yahay Taliyihii Ciidanka wata oo sheegay in ay Tababar kusoo qaateen Jabuuti markii dambana ay isku dhiibeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hadii arrinkan xaqiiq noqdo wuxuu Dhabar jab weyn ku noqon doonaan dowladda KMG ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif oo maalmihii lasoo dhaafay waday Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonaysay in ay ku salkiciso Mucaaradka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...