Monday 8 February 2010

Madaxii Al Qaacida ee Soomaaliya oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Sababta Dilkiisa

Muqdisho, (RBC Radio) Madaxii ururka Al Qaacida ee Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen rag ilaalo u ahaa oo Soomaali ah.

Idaacada afka dowlada ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa Isniinta maanta ah baahisay in sarkaalkii madaxa u ahaa ururka Al Qaacida ee Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Camar Ibraahim ay toogteen niman ilaalo u ahaa oo Soomaali ah xilli uu ku sugnaa gudaha guri ku yaalla magaalada Muqdisho.

Camar Iberaahim ayaa ahaa nin u dhashay dalka Jordan (Urdun) waxaana uu bedelay Saalax Cali Saalax Al Nabhan oo ahaa madaxii Al Qaacida ee Geeska Afrika kaasi oo bishii September ee 2009 lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaarado Mareykanku leeyahay oo ka dhacday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Camar Ibraahim waxaa uu ahaa hogaanka sare ee ururka Al Shabaab oo ay isku xiran yihiin Al Qaacida, waxaana uu qeyb weyn ku lahaa hawlgalada ururka Al Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sida warar soo baxaya ay sheegayaan waxaa dilka Camar Ibraahim oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxaha Shabaab iyo Al Qaacida ay ka dambeysay ka dib markii mura hoose oo maalmahanba soo jiitamayey uu soo kala dhexgalay qaar ka mid ah xubnaha ururka Al Shabaab, taasi oo sababtay in nimankii loo xil saaray amaankiisa ay rasaas ku dilaan.

Waxaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in saraakiil sare oo ka tirsan hogaanka Shabaab ay gaareen goobta lagu dilay Camar Ibraahim, waxaana hadda socda baaris ay xubnaha Al Shabab ku ogaanayaan sababta dilka sarkaalkaasi sababtay.

Raggii ilaalada ahaa ee dilkan loo maleynayo inay geysteen ayaa baxsaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...