Monday 8 February 2010

Shirkii u socday Issima ka soo jeeday Gobalada SSC oo maanta soo gabagaboobay baaqna uu ka soo baxay



(Garowe)RBC: Waxaa maanta ku soo gabagaboobay Degaanak Buur wadal oo 25 Km galbeedka kaga aadan Magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland shir mudooyinkaan u socday 14 xubnood oo iskugu jiray Issimo iyo Garaadyo kuwaa oo dhamaan ka soo jeeday Gobalada SSC

Shirkaa ayaa wajigiisa koowaad waxa uu ka furmay deegaanka howl howl inkastoo maalma uun kidib la isku afgartay in gogasha shirka loo soo raro deegaanka buur wadal oo maanta ku soo xirmay Madax dhaqameedyadaas

Kulan kaa oo gogashiisu lahaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa waxaa laga soo saaray dhoor qodob kuwaa oo ay isku afagarten xubnihii kulan kaa wada qaatay

Qodobadaa kulan kaa ka soo baxay ayaa waxa laga akhriyay munaasabad balaarneed oo lugu qabtay maanta goobta shirku uu ka socday waxaana qodobada shirka ka soo axay akhriyay Garaad Maxamed Cali Cusmaan Ashqari inkastoo goobtaana ay joogeen Xubna uu ka mid yahay Madaxwaynihii hore ee Xukumadii Cade Muse Xasan Daahir Afqurac

Isimadu waxay falanqeeyeen dhibaatada lagu hayo dadkooda iyo duulaanka garadarada ah ee Jamhada Soomali-diidka ahi ku soo qadeen qaybo kamida deegaanadayada, duulaankaas oo keenay barakac baahsan anagoo og in dadkii ay ku dhibataysan xeryaha qaxootiyada ee Kenya, Ethiopia, Yemen iyo xarumaha kale ee somaliya,

Waxaanu aad uga xunahay ama nasiib daro ah in wadamada caalamku iyo kuwa daneya arimaha soomaliya iyo Hay’adaha ay wax gargaara gaarsiin dadkaa dhibaataysan ee Guryahoodi iyo maalkoodi lagaga saaray xooga, waxaanu ka xunahay in Caalamku uusan dhaleecayn Jamhadii falal danbiyeedkaa u gaystay shcabka Gobalada SSC,

Hadaba waxaanu cambaarayneyna Maamulka riyaale sadexdii bilood ee ugu dambeeyey waxyalihii uu ka gaystay Magaalada Laascaanood ee Xurunta Gobalka Sool oo ahaa ku argagixiyo ah kuwaas oo ay inta badan shacabka dhexdiisa ku samaynayey falal diinta ka baxsan iyo qawaaniinta caalamka loona gaysanayey shacabka Reer Laascaanood kuwaas oo shcabka loo gaysanayey kufsi iyo xarig sharci daro ah waxana ognanay in caalamka si looga helo taageero dhaqaale iyo mid malatari ay u samaynayen Qaraxyo, mudaharaadyo,

Sidoo kale waxaa ay isumadu sheegeen in aanu la socodsiineyno UN, Urur gobaledka IGAD, AU, Arabta Dowlada Fadaraalka iyo cidkasa oo dayneyneysa nabad galyada geeska Africa hadii aanay xal dagdaga u helin ka saarida ciidamada Maamulka riyale uu xooga ku qabsaday shacabka iyo maantada reer SSC taas oo ah gardaro aan geed loogu soo harsan kuna jooga deegaanada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal reeba raad iyo qiiq dheeraada yeeshana wajiyo badan,

Isimadu waxaa ay sheegeen in Qodobada go’aamada ay dib u dhigteen maadaana ay tahay arin siyaasadeed iyagana waxaa laga ogaan doonaa shaqada ugu horaysa ee ay qaban doonaan Isimaddu,

Waxaanu markale Maamulka Riyaale aanu ugu baaqaynaa hadii uusan rabin dhiig data in uu Ciidamadiisa kala boxo Gobalada uu xooga ku qabsaday ee SSC 24 saac gudahood, hadii aanu nahay Isimada iyo waxgaradka Beelaha SSC marnaba uma dul qaadaynayno in dadkayaga iyo caruurtayada la dhibateeyo waxaan diyaar u nahay inaan xoraynto Gobaldayada maqan ee xooga naloo ku haysto,

Isimada ayaa sheegay in la sameeyey gudi la yiraahdo Qusuusi kaas oo asaxin doona gudigii lagu soo dhisay Dalka Jeynya iyo in uu badalo hogaankiisi,

Dowlada Puntland

Sida lawada ogsoon yahay sadexdii Maamul ee ukala danbeeyey Puntland midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa Gobalada Maqan sidii loo soo celin lahaa waxaana ay sahleen in laqabsado laguna fido qaybo ka mid deegaanada SSC, waxaana ay curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaanadaas waxaanu ognahay in Dowlada hada jirtay aysan diyaar u ahayn wax ka qabashada deegaamada maqan,

Isimadu waxaa ay go’aansadeen in dibu xoraynta Gobalada Maqan ee SSC loo wajaho xaq qabiil, Dowlada Puntland waxaanu ku tixgalineynaa hadba sida ay uga qayb qaadato xoraynta iyo go’aamada Isimada SSC ee maanga lagu soo afjaray Tuulada Burawadal oo ka tirsan Gobalka Nugaal,

Ugu dambayntii shirkaan ayaa ahaa mid ay isku afgarteen dhamaan isimaduu ka soo qayb shay waxaana ay si wada jira u muujiyeen midnimada iyo qaranimada beelaha SSC ay maanta u ah guul iyo rayrayb.

Bqaan shirka ka soo baxay ayaa waxaa ku saxiixnaa Xubnahaa hoos ku qoran

1 Garaad Jaamac Garad Cali

Garaad Jaamac Garaad Ismaacil

Suldaan Siciid Cusmaan

Garaad Abshir Saalax

Ugaas cabdullaahi CIISE

Garadaad Cali Burale

Boqor cabdullahi Ahmed

Garaad Cabdi salaan Hasan Maxamed

Garaad Maxamud Cismaan

Garaad Salaabaan Buraale

Garaad cabdullahi maxamed

Ugaas Faarax Maxamuudcali

waana kulan kii ugu horeeyay ee xubna intaa la eg iskugu yimaadaan kaa oo looga hadalo Gobalada SSC

RBC NEWS

Xafiiska Garowe

C/raxmaan ilkacase

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...