Garbahaarey (RBC Radio):-Ururka Xisbul Islaami oo kamid ah kooxaha Mucaaradsan dowlada KMG Somalia iyo joogitaanka Ciidanka shisheeye ayaa maanta ku dhawaaqay maamul ay sheegeen in uu u meteli doono gobalka Gedo Koonfur Galbeed Somalia.Xisbul islaam oo gobalka Gedo ka maamulo hal degmo oo kaliya waxay magacaabeen maamul ka kooban 9 xubnood oo u meteli doono gobalka Gedo sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Sheekh farxaan Ciilmooge oo horay uga mid ahaa Jabhaddii Islaamka ee Xisbiga ku biirtay.
Sii Akhri
No comments:
Post a Comment