Monday 10 January 2011

Odayaasha Matabaan oo dhaliilay dhismaha Wasiirada Hiiraan State.


Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha ka soo jeeda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay dhismaha golaha wasiirada ee Maamulak Hiiraan State.

Imaam C/laahi Khiliif rooble oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Matabaan kuna sugan Magaalada Muqdisho oo u waramayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhismaha golaha wasiirada cusub ee Hiiraan State ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaa uu tilmaamay sababta ay uga soo horjeesteen in aan lagala tashan dhismaha golaha wasiirada maadaama ay ka mid yihiin dadka degan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Matabaan oo ah degmada kaliyaha ee ka madaxbanaan Al Shabaab.

Imaamka ayaa dhismaha golahaasi wasiirada ku tilmaamay mid riyo ah, magacaabistuna ay tahay mid laga leeyahay ujeedo gaar ah oo uusan carabka ku dhifan maadaama inta badan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan aysan ka warqabin dhismaya golahaasi wasiirada.

Imaam C/laahi Khiliif ayaa ka hadlay hal wasiir oo lagu daray golaha Wasiirada Hiiraan State kaasi oo uu tilmaamay in aan lagala tashan hadii lagala tashan lahaana aysan ogolaan laheyn, waxaana uu ugu dambeyn kula taliyay Madaxweynaha Hiiraan State in uu go’aankii wax ka badalo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...