
27/01/11-Borama-(Bnn) Waxaa goor dhawayd magaalada Borama soo gaadhay Gudigii dhaqanka Beelaha Jibriil Yoonis ee ku dhawaaqay Dhawaan Suldaanka Jibriil Yoonis,Suldaan,Abiibakar Cilmi Wabar, kuwaas oo ka soo kicitimay Degaanka Qulunjeed ee Degmada Borama.
Golohan dhaqanka ah oo ay galbinayeen Gaadiid aad u tira badan ayaa ilaa shalay la sugayay iyada oo halkaas ku sugnaa mudo labaataneeyo cisho ah, kagana arinsanayay sidii ay u dooran lahaayeen Suldaanka guud ee Beesha Jibriil yoonis, taas oo ay isniintii dhawayd ku dhawaaqeen cida sida rasmiga ah u noqonaysa Suldaanka Guud ee beelwaynta Jibriil Yoonis, uguna dhawaaqay Suldaan in uu noqdo cod caqlabiyad ahna ka helay Guurtidii halkaas ku sugnayd , Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo haatan ku sugan Dalka maraykanka.
Goloahan dhaqanka ayaa lagu soo wareejiyay Magaalada Borama afarteeda xaafadood waxaana ay ugu danbayn u kaceen oo ay ku nasteen Hotel Rays ee magaalada Borama.
Isku soo wada duuduuboo ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay golahan dhaqanka ee soo gaadhay degmada borama, wixii warar ah ee ka soo kordhana waxaan idinkula soo socodsiin doonaa wararkayagan xiga kuwan,"
Reporter:Khadar Maxamed Ibraahim
Borama/Office/Somaliland
boramanews@gmail.com
No comments:
Post a Comment