Monday 24 January 2011

Axmed Daaci oo Eedeyn Kulul dusha uga tuuray DKMG ah, Amisom iyo Hey'adaha Sama falka.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Dowladda KMG ah ayaa maanta ku eedeeyay Ciidamada Amisom iyo KMG ah in aysan dooneen in ay ka adkaadaan kooxda Shabaab oo kasoo horjeedo.
Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo shir jaraaid ku qabtay maanta Muqdisho ayaa ku tilmaamay dagaalka Muqdisho ka socda mid Ganacsi oo an la dooneyn in ay qolo adkaato.
Waxa uu caddeeyay in Ciidamada Amisom ay u dhaqmaan qaab ganacsi, iyagoo aan dooneyn in ay wadanka ka saaraan kooxaha kasoo horjeedo Dowladda.
Sidoo kale waxa uu qeexay in Dowladda KMG ah ay ku fashilantay waqtigii ay qabsatay, iyadoona aan waxba ka sameyn dhinaca dagaallada 60 maalin oo ay hadda jirto.
Waxa uu ugu baaqay Axmed Daaci Dowladda iyo Amisom in ay si dhab ah ula dagaallamaan shabaab oo ay wadanka ka saaraan, ama ay u baneeyaan Shabaab wadanka ha u taliyaane.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...