Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Dowladda KMG ah ayaa maanta ku eedeeyay Ciidamada Amisom iyo KMG ah in aysan dooneen in ay ka adkaadaan kooxda Shabaab oo kasoo horjeedo.
Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo shir jaraaid ku qabtay maanta Muqdisho ayaa ku tilmaamay dagaalka Muqdisho ka socda mid Ganacsi oo an la dooneyn in ay qolo adkaato.
Waxa uu caddeeyay in Ciidamada Amisom ay u dhaqmaan qaab ganacsi, iyagoo aan dooneyn in ay wadanka ka saaraan kooxaha kasoo horjeedo Dowladda.
Sidoo kale waxa uu qeexay in Dowladda KMG ah ay ku fashilantay waqtigii ay qabsatay, iyadoona aan waxba ka sameyn dhinaca dagaallada 60 maalin oo ay hadda jirto.
Waxa uu ugu baaqay Axmed Daaci Dowladda iyo Amisom in ay si dhab ah ula dagaallamaan shabaab oo ay wadanka ka saaraan, ama ay u baneeyaan Shabaab wadanka ha u taliyaane.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment