
Addis Ababa (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in shir madaxeedka 16aad ee madaxda Midowga Afrika uu bilaabanayo aroornimada hore ee maalinta berito waxaana maanta soo gabagaboobaya shirka gogol xaarka ee wasiirada arimaha dibada uga socday Addis Ababa.
Sida ilo ku dhow shirka ay xaqiijiyeen waxaa kulanka madaxda Afrika ee 16aad qodobada ugu waaeyn ka mid ah arimaha wadanka Soomaaliya oo looga hadli doono, iyadoo si gaar ahna loo soo qaadi doono waqtiga DKMG ee sii dhamaanaya kuna eg bisha August ee sanadkan 2011.
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka ka mambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda madasha shirka ee Addis Ababa.
Dhanka ka;le waxaa madasha shirka Afrika ka socda qabanqaabada kulan kale oo ka garab dhici doona shir madaxeedka 16aad ee wadamada Afrika kaasoo looga arinsanayo waxa laga yeelayo waqtiga DKMG marka uu dhamaado iyo cida noqoneysa madaxweynaha xiga taasoo si weyn loogu muransan yahay
Read More
No comments:
Post a Comment