Monday 24 January 2011

Wadahadalo u dhaxeeyay Madaxwayne Shariif iyo Xildhibaan Furux oo Fashilmay

Muqdisho RBC Radio) Iyadoo maalmahaan danbe ay socdeen dadaalo lagu in lagu dhex dhaxaadiyo xildhibaan Maxamed Jaamac iyo Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramayaa in dadaaladaasi ay fashilmeen.
Horay ayaa waxaa u jiray qilaaf oo labadaan dhinac soo kala dhexgalay oo dhashay dakada caalamig ah ee magaalada Muqdisho iyo sida loo maareeyo dhaqaalaha ka soo xarooda.
Odoyaal iyo wax garad iyo masuuliyiin kala matalayay laba dhinac ayaa mudooyinkaan waxa ay wadeen kulamo ay ku doonayaan in ay ku dhex dhaxaadiyaan.
Warar iminka Soobaxa ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaanba ay fashinmeen dadaaladaasi ka dib markii uu madaxwaynaha dowlada KMG Sooaaliya  uu ka soo hor jeestay qodobo ka soo baxay kulamo ay isugu yimaadeen odoyaasha iyo wax garadka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka soo hor jeestay qodobo ku wajahnaa qaabka loo maaraynayo dhaqaalaha dekada iyo in wax la siiyo beesha Habargidir oo uu ka soo jeedo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux.
Maxamed Jamaac Furux ayaa asagu horay waxa uu u xiray dekada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxa uuna ku eedeeyay madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya in asaga iyo beeshiisaba ay si gaar ah ugu takri falaan dhaqaalaha dekada Muqdisho.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...