Monday 24 January 2011

Al Shabaab oo isbaaro dhigatay Muqdisho iyo Afgooye dhexdooda


Bar-Kulan
 
January 20, 2011 Markacadeey


Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay isbaaro cusub dhigtay waddada isku xirta gobollada Banaadir iyo Shabeellaha hoose, taasoo ay lacago baad ah uga qaadayeen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee isticmaala waddadaasi.

Warar aynu ka helnay koontorolka kala qeybiya Banaadir iyo Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in halkaasi lagu arkay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ka qaadayay lacago shilin Soomaali ah.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gaarigii soo mara waddadadaasi ka qaadayay 10-kun oo shiliinka Soomaaliga ah, iyadoo kaddibna u jarayay boonooyin, waxaana horjoogayaasha ay ku amrayeen darawallada in ay bixiyaan lacagtaasi, oo noqoneysa caqabad hor leh oo soo wajahday gaadiidleyda halkaasi ka shaqeysa.

Baaddaasi ayaa waxaa walaac ka muujiyay wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo halkaasi ay horay isbaaro ugu taallay kooxdii burburtay ee Xisbul Islaam.
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...