Tuesday 25 January 2011

Muqdisho:-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday aagagii uu booqday Madaxweyne Shariif.

Muqdisho(Allpuntland)-Dagaalyanada Al Shabaab ayaa saaka weerar toos ah iyo hoobiyaal ku qaaday fariisimaha ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Amisom ee Degmada Hodan ee uu shalay booqday madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shabaabka ayaa saaka dagaal kala kulmay ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom, waxa uuna dagaalka saaka ahaa mid labada dhinac hoobiyayaal ay isku weydaarsadeen.

Lama oga qasaaraha Dagaalka saaka hasa ahaatee madafiic labada dhinac ay isku rideen ayaa ku dhacday xaafado dad rayid ah ay degan yihiin sida qeybo ka mid ah Degmada Waabari iyo xaafado ku yaala Degmada Hodan.

Xaafadaha dagaalka saaka uu ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Teleex,Tarbuunka, Isbitaalka Xooga Dalka iyo Sigaale ee uu shalay meelo ka mid ah booqday Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...