Monday 24 January 2011

Xildhibaan Cali Cismaan Diinsoor: Puntland waxa ay iibsatay Jasiirada Saqadara

Muqdisho RBC Radio) Xildhibaan Cali Cismaan Diinsoor oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlad gobaleedka Puntland in ay iibiyo mid ka mid ah Jasiiradaha Soomaaliya.
Xildhibaankaan ayaa waxa uu sheegay in dowlad gobaleedka Puntland ay aaminsanyihiin in ay gabi ahaanba iibiyeen jasiirada lagu magacaabo Suqadara.
Xildhibaankaan  ayaa waxa uu sheegay in ay heleen xog u aadan ariintaasi isla markaan ay haatan baarayaan sida dowlada Puntland ay u iibisay Jasiiradaan.
Cali Cismaan Diinsoor oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay in Jasiiradaan ay markii hore deganaajireen dad Ingiriis ah.
Waxa uuna tilmaamay in ay haatan ka warheyeen in jasiiradaasi laga iibiyay dowlada Maraykanka isla markaana y ka iibisay dowlada Puntland.
Hadalkaan ka soo yeeray mudanahaan ka tirsan baarlmaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili dowlada Puntland ay sheegtay in ay xiriirka u jartay dowlada FKMG Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...