Monday 24 January 2011

Axmed Daaci: Shabaab iyo Hay’adaha ‘Samafalka Sheegta’ Waxba isuma Dhaamaan Shacabka

“Waxaad og tihiin in abaaro ay ka jiraan dalka, degmada Wadajir waxaa ku sugan dad badan oo ka soo barakacay gobolad dalka wax la gaarsiiyey illaa haddana ma jiraan”, ayuu yiri gudoomiyaha degmada Wadajir.

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axmed xasan Cadow [Axmed Daaci] oo shir jaraa’id kaga hadlay abaaraha ka jira wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey hay’adaha samafalka inay a mid yihiin Al Shabaab oo aysan waxba u dhaamin shacabka.
Axmed Daaci ayaa ku eedeeey dhamaan hay’adaha ka hawlgala magaalada Muqdisho inaysan waxba u qabanin shacabka dhibaateysan xilli abaaraha ka jira dalka ay saameyn ku yeesheen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka.
Gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa ku sifeeyey hay’adaha samafalka kuwo xaasid ah oo ka macaasha dhibaatada ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dhaqaale ku soo qaataan magaca shacabka ayna waxba ugu qabanin dadka.
“Waxaad moodaa iyaga [hay'adaha] iyo Shabaab aysan waxba isu dhaamin, waayo mar hadey waxba u qabanin waxay la mid yihiin kuwa madfaca ku garaacaaya iyo iyaga waa isugu mid shacabka”, ayuu yiri Axmed Daaci.
Gudoomiyaha ayaa in taa ku daray in hay’aduhu ay gaari karaan goobaha ay DKMG maamusho ee magaalada Muqdisho iyadoo aanu jirin wax cudurdaar ah oo ka celiyey, balse wuxuu sheegay inay muuqato inay ku fashilmeen arintaasi.
Hadalka gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa soo baxay iyadoo kumanaan qoys oo barakacayaal iyo danyar dhibaateysan ay ku sugan yihiin qeybaha yar ee dowladu maamusho balse wax gargaar ah oo la gaarsiiyey aanu jirin iyadoon la ogeyn sababta.
Hay’adaha ayaa ku dooda in Shabaab ay ka mamnuuceen inay gurmad dadka gaarsiiyaan goobaha ay maamulaan waxaanse la ogeyn sababta hay’adaha u gargaari waayeen dadka ku dhaqan goobaha ay DKMG maamusho oo xayiraada Shabaab aysan ka jirin.

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...