Saturday 29 January 2011

Gaalkacyo:Madaxii Maxkamada Degmada Gaalkacyo oo iscasilay.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyihii maxkamada Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo Dr,Cabdifitaax Cali Diiriye ayaa maanta ku dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii gudoomiyenimo ee degmada Gaalkacyo,waxaana uu Gudoomiyihii hore sheegey in xilkan uu isaga casilay duruufo uusan cadayn oo kajira magaalada Gaalkacyo.

Warqad uu maanta soo saaray Dr,Cabdifitaac Cali Diiriye islamarkaasna si toos ah ugu socotay madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayuu uga cududaartay sii haynta xilkaas,waxaana uu sheegey in uu doonayo inuu ka tago shaqadan,waxaana uu madaxweynaha Puntland ka codsaday inuu ka aqbalo iscasilaadiisa isagoo xeerinaya xaaladaha imika lagu jiro.

Inkasta oo uusan Gudoomiyihii hore warqada ku cadayn duruufaha jira hadana warar hoose oo lahelayo ayaa sheegaya In sababo amaan darteed uu isku casilay gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo,waxaana ay tani imaaanysaa xili dhawaan gudaha magaalada lagu toogtay Xeer ilaalihii Maxkamada gobolka Mudug,iyadoo ay tani ka turjumayso halka uu marayo Amaanka guud ee magaalada gaalkacyo oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal kaladuwan oo lagu beegsanayo madaxda maamulka & dadka rayidka ah qaarkood.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...