Monday 24 January 2011

Shabaabka Shabeelaha Hoose oo soo dhoweeyay Hub ay ka heleen mid ka mid ah Beelaha daga gobalkaasi

Muqdisho RBC Radio) Maamulka xarakada Al-Shaabab ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa soo dhoweeyay Hub uu maamulkaasi ku wareejiyay mid ka mid ah beelaha daga gobalkaasi.
Sheekh Farxaan oo ah gudoomiyaha magaalada Marka ee xarakada Al-Shabaab oo saxaafada ku hadlay magaaladaasi ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah u soo dhowaynayaan Hubkaasi.
Mid ka mid ah beelaha daga gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shay si rasmi ah ugu wareejisay Hub maamulka xarada Al-Shabaab ee gobalkaasi Shabeelaha Hoose.
Sheekh Farxaan Daahir ayaa carabka waxa uu ku dhuftay in Hubkaan lagu dagaalami doono dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Xaradakada Al-Shabaab ayaa dagaalo xoogan waxa ay kula jiraan Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay doonayaan in dowlada iyo AMISOM ay meesha ka saaraan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...