Monday 24 January 2011

Axmed Madoobe oo soo galay Jubada Hoose iyo Kismaayo oo kacsan

Midnimo

January 24, 2011 Markacadeey


Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa la sheegayaa in uu ka jiro caawa Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose halkaasi oo Shabaabka ay ka iclaamiyeen dagaal difaac ah.

Wararka aanu ka heleyno halkaasi ayaa sheegaya in maleeshiyo uu hogaaminayo Axmed Madoobe ay ku soo dhawaadeen deegaanada Diif iyo Dhoobleey ee gobolkaasi taasoo keentay in Shabaabki halkaasi joogay ay soo dirsadaan qeylo dhaan.

Masaajidada magaalada Kismaayo ayaa salaadi maqribka caawa waxaa ka istaagay qaar ka mid ah madaxda kuwaasi oo dadka ugu baaqay dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe kuna difaacayaan gobolka.

Maleeshiyada Axmed Madoobe oo inta badan dagaalo ku dhifoo ka dhaqaaq ah ku qaadayey bilooyinki dhawaa Al Shabaab ayaa waxa ay hada ay kulaalayaan deegaanka Diif iyo degmada Dhoobleey.

Axmed Madoobe oo ah siyaasi kasoo jeedo J/hoose waxa uu dagaal kula jiraa Al Shabaab oo ay isku dhaceen sanadki hore kadib marki ay isku qilaafeen maamulka Kismaayo, dagaalo ku dhexmaray meelo badan oo ka mid ah gobolka waxaa ku dhintay maleeshiyo laba dhinac ah oo fara badan.

Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa maamulo ururka Al Shabaab.
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...