Saturday 29 January 2011

Maamulayaasha Dahabshiil iyo Waagacusub oo Maxkamad uga furantay Holland

Maamulayaasha Dahabshiil Money Transfer iyo Waagacusub Media Abdirashiid Mohamed Said Ducaale iyo Dahir Abdulle Alasow ayaa markii ugu horeeysay Maxkamad isku hor fariistay Magaaladda Breda ee dalka Netherlands.
Qareenka u doodayay Shirkadda Dahabshiil ayaa Waagacusub ku eedeeyay in lagu faafiyay warar dhaawacay sumcadda Shirkadda hasse yeeshee taasi waxaa si sharciya kaga hortegay Qareenka Waagacusub Mrs Margriet Koed.
Garyaaqanada waxay Maxkamadda ka hor akhrisay dimbiya ay geysteen Shirkadda Dhiigshiil sida inay xireen Website-ka Waagacusub,inay email hanjabaada u soo direen Maamulaha Waagacusub iyo inay magaca Dahabshiil la baxeen sanadkii 2000 ,ka horna lagu magacaabi jiray Dhiigshiil.
Lawyerada Margriet waxay ka hadashay warbixintii laga qoray Saado Cali Warsame ee madaxeeda ay Dhiigshiil dul dhigtay labada Milyan ee dollar,heestii ay soo saartay ee DHIIGSHIIL HA DHIGAN,iyo shaqsiyadda Saado Cali Warsame.
Garyaqaanka Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in natiijada dacwada labada dhinac si rasmiya loo shaacin doono 8 Febaury 2011.
Dacwada ka furantay dalka Holland ee u dhaxeeysa Shirkadaha Waagacusub iyo Dhiigshiil ayaa ka dhalatay ka gadaal markii Lawyer jooga dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Andrew warqado hanjabaad u dhigmo u soo diray Waagacusub,taas oo qasabtay in dacwad ka dhana Shirkadda Dhiigshiil loo gudbiyo Safaaradda British-ka ee dalka Netherlands.
Dalka Holland wuxuu ka mid yahay dalalka safka hore kaga jira ixtiraamka dimoqoraadiyadda,waxayna maamulka Waagacusub rajo wanaagsan ka qabaan in ganaax iyo magdhaw xoogan laga qaado Shirkadda Dhiigshiil maadama ay ku kacday falal ka hor imaanayo xoriyadda Saxaafadda iyo madaxbanaaniyada xoriyatul qoowlka.Halkaan ka akhri warka Saxaafadda Holland ka qoreen dacwada
Si kastaba ha ahaatee,Dacwadda ka furan tahay Holland ayaa ka dhigan tilaabadii ugu wanaagsaneed ee tusaalo u noqon karta Shirkado iyo shaqsiyaad ismooday inay Cadaaladda iyo sinaanta ka sareeyaan.
Dukumiintiyadda dacwada labada dhinac iyo go’aanka Maxkamadda ayaan idiin soo gudbin doonaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...