Wednesday 21 December 2011

Aas Wadareed Saaka ka Socda Deegaanka Hoosingoo oo Shalay Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyeen (Faahfaahin)

Aas Wadareed Saaka ka Socda Deegaanka Hoosingoo oo Shalay Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyeen (Faahfaahin)

Share
Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hoosingoo oo Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka deegaankaasi uu ka socdo aas wadareed loo sameynayo dadkii ku le’day duqeynta dhanka cirka ah oo diyaaradaha Kenya ay shalay gelinkii dambe la beegsadeen deegaankaasi.
Waxaa sii kordhay tirada meydadka oo haatan gaaray 15 ruux oo rayid ah halka dadka duqeynta ku dhaawacmayna ay gaarayaan 33 ruux.
Cabdi Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka Hoosingoo oo markii duqeynta dhacday u gurmaday dhaawacyada ayaa Raxanreeb u sheegay in saaka ay aasayaan meydadka dadka rayidka ah ee ku baaba’ay gantaalo ay soo rideen labo diyaaradood oo ka yimid dhanka Kenya.
Cabdi ayaa sheegay in dadka dhintay 4 ruux ay ahaayeen odayaal, inta kalana ay isugu jiraan haween iyo carruurr yar yar oo madaafiicdu ku dhacday xilli ay ku sugnaayeen deegaanka.  Dadka qaar ayaa duqeynta ku dhacday iyagoo dukaano meesha ku yaalla wax ka iibsanaya.
Sida uu noo sheegay odaygaasi dadka dhintay waxaa ku jira haweeney iyo labo carruur ah oo ay dhashay oo markii madaafiicdu soo dhacday joogay gurigooda kuna cabayey shaah. Waqtiga duqeynta dhacday ayaa ahaa abaare 5:30 galabnimo ee shalay oo Talaado ahayd .
Labo wiil oo wada dhashay ayaa iyaguna ka mid ah dadka geeriyooday ee saaka lagu aasay Hoosingoo.
“Waxaan sameynay xabaal wadareed maadaama aan dadka mid kasta gaar loo aasi karin. Meydadka qaarkood way googo’een oo waxba lagama garanayo” ayuu yiri odayga u waramay Raxanreeb.
Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Kismaayo halkaasi oo lagu daweynayo walow la sheegay in qaarkood ay xaaladoodu culus tahay.
Illaa hadda dawlada Kenya kama hadlin duqeyntan oo ku soo beegantay xilli ay militarigeeda ku hanjabeen inay duqeynayeen goobaha ay joogaan ururka Al-Shabaab.
Odayaasha reer Hoonsingoo waxay sheegeen inaysan jirin wax saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab oo ka agdhow, iyagoo tilmaamay inaysan garaneyn sabab loo duqeeyo dadka rayidka.
Dhanka ururka Al-Shabaab waxaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan uu sheegay in duqeynta diyaaradaha Kenya ay geysadeen ay tahay fuleynimo muujineysa in markii jiidaha dagaalka ay jab kala kulmeen ay bilaabeen inay rayidka weeraraan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...