Wednesday 21 December 2011

Ururka Xisbulah Oo Dhowaan Looga Dhawaaqay Soomaaliland Oo Ugu Baaqay Xukuumada in ay Xabsiga Ka Siideyso Gudoomiyihii Ururkaasi

Ururka Xisbulah Oo Dhowaan Looga Dhawaaqay Soomaaliland Oo Ugu Baaqay Xukuumada in ay Xabsiga Ka Siideyso Gudoomiyihii Ururkaasi

Share
Hargeysa (RBC Radio) Ururka Xisbulah oo dhowaan looga dhawaaqay Soomaaliland ayaa Xukuumada Soomaalkiland ugu baaqay in kla sii daayo gudoomiyaha Ururkaasi oo la xiray maalo ka hor.
Cali Cumar Maxamuud oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ururka  Xisbulah ayaa sheegay in ay dalbanayaan in la sii daayo gudoomiyahooda oo uu sheegay inuusan galin wax danbi ah.
Wuxuu sheegay in ay si aad ah ay kaga xunyihiin xariga loo geestay Sheekh Maxamuud C/laahi Geele isla markaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah loo sii daayo.
Cali Cumar Afahyeenka Ururkaan Cusub ee Xisbulah ayaa carabka ku duftay in ilaa iyo yaraantiisii aanan sheeqaan wax danbi ah aanan lagu soo oogin haatana uusan wax danbi ah galin.
Xukuumada Soomaaliland ayaa dhowaan Xabsiga Dhigtay Sheekh Maxamuud C/laahi oo Asagu ku dhawaaqay xisbi diineed ilaa iyo iminkana ma jirto wax maxkamad ah oo la soo taagay sheekha.
Ka hor inta aanan la xirin wadaadkaan ayaa shirja’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa wuxuu sheegay in  dhamaanba Xisbiyada Siyaasada ee Soomaaliland ay yihiin kuwo aanan diinta waafaqsanayn.
Mana ahan markii ugu Horeysay oo ay xirto dowlada Soomaaliland wadaadkaan waxaana markii sadaxaad oo xabsiga la dhigo Sheekh Maxamuud C/laahi Geele.


RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...