Saturday 17 December 2011

Askari Burundeys ah oo Muqdisho lagu Gowracay kadibna laga qaatay Hubkii uu heystay (Warbixin).


Written by Administrator on .
Geesinimo aan laga fileyn ayay lasoo baxeen maleeshiyaadka Murtadiinta ee ka hoos shaqeeya ciidamada Nasaarada AMISOM.

Markii ugu horeysay maleeshiyaadka DFKMG ah ayaa ku dhiiraday in ay weeraraan ciidanka shisheeye oo ay adoomada u yihiin.

Xalay saqdii dhexe ayay maleeshiyaad Soomaali ah Gowrac marsiiyeen Askari Burundiis ah oo difaac uga jiray wadada Warshadaha ee Muqdisho.

Saraakiil katirsan Ciidanka Burundi oo hadlay ayaa xaqiijiyay in Askari ciidankooda katirsan la gowracay kadibna qorigii uu watay laga qaatay.

Askarta Burundi ayaa layaabay sida ay ku suuragashay in Maleeshiyada Marya calasta loo yaqaan ay ciidankooda dilaan kadibna ka qaataan hubka ay wataan.

Maleeshiyada falkaan geysatay waxay qaateen qori PKM ah oo uu heystay Askariga Burundiiska ah ee ladilay.

Isla maleeshiyo katirsan Kooxda Ridada ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka Yugaandha degmada Kaaraan ee Muqdisho 3 Askari ayaa la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen.

Abuu Khaalid
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...