Monday 19 December 2011

Dawadeennu waa urur Dameeraad

Dawadeennu waa urur
Dameeraad
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
(Axmed Deeq)

December 19, 2011

Dameer

Dhawaanahan waxa sida qaadka isaga soo daba-dhacayay urur qabiileedyo\diimeedyo u tafaxaydan sidii ay hadhaw ugu xuub siiban lahaayeen Xisbiyo u tartama doorashooyinka madaxtinimo ama Wakiilnimo ee Somaliland ka dhici doona mustaqbalka. Haddaba maqaalkan kooban waxa aan kaga hadli doonaa ururka aan u baahannahay ama dalku u baahan yahay. Waa aragti shakhsi ah oo aanan cidna ku metalin. Waa tahay ee haddaba waxa ay su'aashu tahay maxaan ku keenay "Urur Dameeraad"? Waydiintan si aan war celin ugu helno taariikhda dib inoogu celi.
1911 kii ayuun bay ahayd markii inan yar oo ooyaysaa ay aabbeheed u soo gashay, iyada oo ka cabanaysa in macallimaddeedu ku tidhi: "Dameer baad tahay !!". Aabbahaasi lama cadhoon inantiisa ee qalin iyo warqad inta uu qaatay ayuu qoray maqaal uu kaga warramayo wanaagyada dameerku leeyahay. Maqaalkaasi haddii uu ku faafay gudaha Faransiiska, waxa isla sannadkaa la go’aansaday ku dhawaaqidda ururka Dameeraha.
Tilmaamaha la yaabka leh ee aabbahaasi dameerka ku sheegay waxa ka mid ahaa: Sabir badnaan, damqasho la’aan, doonid yaraan, aamus badnaan, shaqo badnaan, adkaysi ogaan, ajar doonid la’aan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...