Monday 19 December 2011

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Degmada Dhuusomarreeb


 
Share
Dhuusomarreeb (RBC) Waxa dagan Xaalada degmada Dhuusomarreeb ee Gobolka Galgaduud oo shaley casar liicii ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna.
Dagaalkan oo waqti kooban socday ayaa la sheegay in dhinacyada dagalamay qasaaro uu soo kala gaaray, in kastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha halkaas ka dhashay.
Labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay ayaa kala sheegtay guulo.Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdul Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in magaalada ay ka baxeen ka dib markii ay gaareen ujeeda halkaas ay yimaadeen in kastoo uusan sheegin qasaaraha dhinacooda soo kala gaaray.
Dhina kale, Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Waljamaca oo lagu magacaabo Geedo Qodow ayaa sheegay in magaaalda ay hadda iyaga joogaan dagaalkana uu ka dhacay meel duleedka ka ah magaalada siddaa daraadeena laga awood badiyay kooxihii soo weeraray sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka ka dhacay dhuusomarreeba ayaa ku soo beegmaya iyadoo sabtidii dagaallo ay ka dhaceen degmada caabudwaaq ka dib markii maleeshiyo kala taabacsan Ahlu Sunna iyo Xildhibaan ka tirsan dowlada KMG ah ay ku dagaalameen halkaas.
RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...