Wednesday 21 December 2011

Halkee ku Dambeeyay Duulaankii Kenya kusoo qaaday Gedo iyo Jubbooyinka (Warbixin).


Written by Administrator on .
amiirnuur.comDuulaankii ay Kenya kusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa si geebis ah ku socda waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo ay ku doonaysay in ay dhul hor leh uga qabsato shacabka Soomaaliyeed.

Sida ay soo sheegayaan weriyaal katirsan SomaliMeMo iyo dad goob joogayaal ah oo ku sugan Gedo iyo Jubada Hoose ciidanka Kenya ayaa wada dib ugurasho iyo baqa carar.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa dhawaan sheegay in ay ka cararayaan in magac xumo ka raacdo dib ugurashada ciidankooda iyo dardarta ciidamada shabaabul Mujaahidiin.

"AMISOM in aan ku biirno waxaa nagu qasbay madooneyno in shabaabku qabsadaan meelaha ciidankeenu baneeyaan oo ladhaho Kenya way jabtay"ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya ee bishii October 15-keedi soo gaaray Qooqaani ayaa dib ugurasho weyn sameeyay waxayna awoodooda isugu geeyeen inta u dhaxeysa Taabto iyo Dhoobley.

Mujaahidiintu waxay isku fidiyeen Xayo ilaa iyo Qooqaani halkaasi oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan, cirifka Badda ee Xad beenaadka dhaca ciidamada Kenya waxay dib uga gurteen duleedka Kulbiyoow oo ay mujaahidiintu dhawaan weerar ku qaadeen.

Maleeshiyaadkii Soomaalida ee kala taabacsanaa Prof.Gaandi iyo Axmed Madoobe ayaa iyana joojiyay carcartii ay qabeen kadib markii ay ku riiqmeen dagaalkii  ka dhacay deegaanka Xayo 2 December 2011.

Wilaayada Gedo.

Gedo waxay kamid aheyd gobolada ay duulaanka kusoo qaadeen ciidamada dowlada Kenya, duulaanka Kenya ee Gedo lama mid ahan midka Jubbooyinka lagusoo qaaday.

Maleeshiyada Kenya carratuurka u ah ee Gedo ma ahayn kuwa firfircoon waxayna ahaayeen kuwa daalan oo horay loogu naafeeyay dagaallo ay mujaahidiinta kula galeen Ceel Waaq,Buusaar iyo Dhamase halka maleeshiyada Soomaalida ee Jubooyinka ay dagaalka kusoo galeen carcar iyo caaboonaan.

Ciidanka Kenya ee Gedo kusoo duulay mar ayay Buusaar soo gaareen balse weeraro is xigxigay kadib waxay dib ugu laabteen degmada Ceelwaaq halkaasi oo ay difaacyo uga jiraan.

Kenya wilaayada Gedo waxay u adeegsanaysaa duqeymo ay si indha la'aan ah ugu garaacayso degmooyinka iyo deegaanada ay deganyihiin shacabka Rayidka ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...