Wednesday 21 December 2011

Qaybtaydii Meeday


Wq. Aamina Xaaji Cali
December 21, 2011

Libaax haybad leh
Waxa la yidhaa libaaxu kolka uu bakhtiyo, xawayaankii kale ee ka biqi jirey intii uu xoogga iyo xayiga ahaa ayaa raqdiisa u soo biyaysta oo cuna. Waxaa dhacda oo la arkaa in isla markiiba ay ku soo xoomaan, gaar ahaan kuwooda  bakhtiga cuna. Kuwaas oo midba ka uu ka xoog badan yahay ka riixdo. Haddaad u sii fiirsato waxa kuu muuqanaysa  xawayaankii tabarta yaraa oo sugaya inta kuwa ka xoogga badani ay ka boganayaan, kamase fogaadaane meel u dhow ayey joogsadaan oo way ku dul wareegaan, hunguri  iyo gaajo darteed.
Eebbe  ha inna badbaadiyee, xaaladda Soomaaliya iyo dalkeennii ka taagan  maanta ayaa sawirkaas oo kale u eg. Taas oo markasta isoo xusuusisa libaaxaas iyo xayawaanka kale ee markii uu tabar dhigay ee dhintay bakhtigiisa raqay.  Waxa mararkaas sidoo kale iyana madaxayga ku soo dhacda oo aan xusuustaa hees  reer miyiga Soomaaliyeed dhexdooda caan ka ahayd oo odhan jirtay:

"Hal bakhtidey raqdeedaa,  Reer Hebel  isugu yimid"
Mid kale ayaa u jawaabaya oo isna odhanaya:
"Reer Hebel badh baa hadhaye, hilbaha ha ku loofarin!”

Waxaad mooddaa maanta in cid waliba Soomaaliya hungureysey, ka hirqatay oo la isugu habar wacday. Waxa cad in qoladii Soomaaliya soo gaadhi kartaaba ay tidhi, "Qaybteydii Meeday?" Waa ayaan darro inteeda le’eg. Miyaanay kula ahayn  arrin laga madluumo, in dal waliba, intuu doono ha le’ekaadee xilligan u soo qalab qaato in uu dalkeennii  dillaal ka noqdo? Waxa calool xumo weyni weliba kugu sii dhacaysaa kolka aad aragto sida raggayagii wax dareensaniba  aanu u jirin oo uga baraad la’ yihiinba. “Xaalku waa reer ba’ow yaa ku leh?” Sidaas baa weliba qaar mashquul ku yihiin, sidii ay dhibaatada ka jirta dab iyo baansiin ugu sii hurin lahaayeen, halka qaar kalena dantoodii ugu soo ururtay sidii ay xoolo uga tabcan lahaayeen. Sii Akhri

1 comment:

Anonymous said...

Hi there, of courѕe this content is in fact cοre аnԁ I
have leaгned lot of thingѕ from it on thе tοpic of
blogging. thanks.

Also visit my site: fast cash loans no credit checks

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...