Tuesday 20 December 2011

Hayadda Culimada Somaaliyeed oo sheegtey in Qabya qoraalka Dastuurka dal daloolo ka muuqdaan.

Hayadda Culimada Somaaliyeed oo sheegtey in Qabya qoraalka Dastuurka dal daloolo ka muuqdaan.

Ayadoo la eegayo xaaladaha murugsan oo dalku marayo, sida faragalinta siyasadeed iyo tan malatari, taas oo mugdi sii galinaysa mustaqbalka ummadda soomaaliyeed ,hay’adda culimada soomaaliyeed,ayadoo gudanaysa waajibka ilaalinta danaha shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah,caddaynta xaqa, iyo waajibka isu-naseexaynta,waxay soo gudbinaysaa qodobadaan:
1- hay’addu waxay ka soo horjeedaa faragalinta siyaasadeed iyo tan malatari oo isasoo taraysa maalinba maalinta ka dambaysa,waxayna u aragtaa in ay khatar ku tahay madaxbanaanida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed, laguna cuuryaaminayo hay’adihii siyaasadeed ama ciidan ee dalku lahaa,waxaana caddaynaynaa in arinkaasu sii fogaynayo xal uhelidda mushkilada soomaaliyeed.
2-waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta dowladda in ay gutaan xilka kaga aadan ilaalinta diinta,dalka iyo danaha shacabka soomaaliyeed ,waxayna masuul ka yihiin dayacaadda iyo gaabiska ku baahsan dhammaan laamaha dowladda,nabiguna(scw)wuxuu yiri : “Masuulkii hantiya talada muslimiinta oo aanan u dadaalin una hagar bixin lama galo Jannada”
(waxaa wariyay muslim)
3-hay’addu waxay caddaynaysaa in ururka al-shabaab uu sabab u yahay culuysyada siyaasadeed iyo faragalinta malatari ee dalka haysata ama kusoo fool leh ,taasina sharci ma aha ,sidaas darted ,waxaana ugu yeeraynaa in ay ilaahay u toobad keenaan, ummadoodana ku soo biiraan ,qaybna ka noqdaan xal u raadinta mushkiladda dalka haysata, ayna faraha kala baxaan ajandayaasha dibadeed oo aan u adeegayn ummadooda.
4- waxaan ugu baaqayna ummadda soomaaliyeed in aysan daba gelin shidaalna u noqon dabka ay hurineyso kooxdaas qar iska tuurka ah ee siyaasaddeedu diinta khilaafsantahay.
5- hay’addu waxay u aragtaa qabyo-qoraalka dastuurka inuu yahay mid aan ka tarjumeyn himilada ummadda soomaaliyeed,ayna ka muuqdaan daldaloollo farabadan, saas darteed waxay u saartay guddi khubaro ah oo kasoo diyaariya qoraal faahfaahsan
6- xalku wuxuu ku jiraa in loo gacan banneeyo ummadda soomaaliyeed xallinta mushkiladooda iyo dajinta qorshahooda, looguna kaalmeeyo dhismaha awoodda dowladooda.
7- waxaan ugu baaqaynaa dowladaha islaamka inay hormood ka noqdaan xallinta mushkiladda soomaaliya,oo aysan gacmaha ka laaban qadiyadda walaalahood oo ay cid kasta gacanta lasoo gashay.
8- waxay hay’addu bogaadinaysaa gurmadkii abaaraha,gaar ahaa kii hay’adaha iyo dowladaha islaamka ah,waxaana soo jeedinaynaa in loo soo jeesto howl cusub oo ah:dib u dajin,horumarin iyo sidii looga gaashaaman lahaa musiibadaas oo kale.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...