Tuesday 20 December 2011

Murun ka taagan Halka ladejinayo Ciidanka Jabuuti oo taagan iyo Ciidanka soo degay oo diiday in ay Garoonka Muqdisho soo dhaafaan (Warxbixin).

Murun ka taagan Halka ladejinayo Ciidanka Jabuuti oo taagan iyo Ciidanka soo degay oo diiday in ay Garoonka Muqdisho soo dhaafaan (Warxbixin).

Written by Administrator on .
somalimemo.netMurun ayaa ka taagan halka ay degayaan maleeshiyaad ka socda dowladda Jabuuti oo maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararkii maanta kusoo gudbinay Maleeshiyaadka Jabuuti ayaa garoonka Muqdisho kasoo degay iyagoo saaran diyuurad xamuul ah balse waxaa jira murun ka taagan halka ay degayaan.

Saraakiisha ciidanka AMISOM ayaa ku gacan seyray dalab kayimid taliyaha hogaaminaya ciidanka Jabuuti oo ku aadanaa in ciidanka Jabuuti lagu wareejiyo sugidda amaanka Garoonka Muqdisho,Dekada iyo madaxtooyada.

Taliska ciidanka Uganda ayaa soo jeediyay in ciidanka Jabuuti ay si KMG ah u degaan xerooyin cayiman kadina ay ka howl geli doonaan furinta dagaalka ee degmada Dayniile ku beegan.

Khilaaf xoogan ayaa labada dhinac ka dhaxtaagan taasi oo sababtay in ciidanka Jabuuti ay diidaan in ay ka dhaqaaqaan garoonka dhaxdiida, diyuuraddii ciidanka keentay ayaa iyana weli taagan gudaha garoonka.

Waxaa socda dadaallo ladoonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxtaagan Jabuuti iyo AMISOM, Jabuutiyaanka ayaa daneynaya in ay ka howlgalaan goobaha aanay dagaaladu ka socan halka AMISOM ay leedahay waa in aad nalagubataan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...