Monday 23 January 2012

Ciidamo Kenyan ah iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Xalay Wacadaro loogu dhigay Taabto (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netKhasaarihii ugu badnaa ayaa ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka Somaalida ah kasoo gaaray dagaallo culus oo xalay saqdii ka dhacay deegaano hoos yimaad wilaayada Islaamiga Jubbada Hoose.

Wararka nagasoo gaaraya Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga ah ay xalay weeraro culus ku qaaden tuulada Taabto oo ku dhaw Qooqaani.

Dagaalka oo muddo saacada ah socday ayaa waxaa ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo loo geystay cadawga Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee la socda.

Ilo wareedyo aan soo xiganay ayaa xaqiijinaya dhimashada iyo dhaawaca 10 Askari oo Somaali iyo Kentaati isugu jira.

Ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka qaaday ayaa saaka dib ugasoo laabtay deegaanka Taabto kadib markii ay gaareen hadafkii ay weerarka u qaadeen.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay dib ugusoo laabteen Taabto kadib markii xalay xoog looga saaray.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...